Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Baarlamaanki Fedaraalka Oo Cidla Ku Banjaray Ee Yaw Miciina .. Xildhibaan Ciyaar Jecel Oo Ba'nayey Isla Taagay

Sunday - October 20, 2019



Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay fadhigii ugu horeeyey kalfadhiga 6-aad xarunta KMG ee looga dhisay Madaxtooyada, waxaana kulanka soo xaadiray inta badan Xildhibaanada golaha shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa maanta ahaa Akhrinta koowaad heshiis khuseeya ilaalinta hidaha dhaqanka iyo midka dabiiciga iyo Qoraalka heshiiska ilaalinta Hida dhaqameedka aan muuqan oo golaha usoo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare .

Xildhibaanada qaar ayey layaab ku noqotay ajandaha kulanka maanta, waxa ayna Xildhibaanada qaar sheegeen in ajandahan uusan muhiimad gaar ah laheyn ayna mudneyd in laga doodo xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka hada ku jiro.

Gudoonka golaha shacabka ayaa mikaroofanka ka damiyay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel kadib markii uu ka hadlay ajando aan aheyn midka maanta la horgeeyay Xildhibaanada golaha shacabka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in aad uga naxay markii uu dhageestay ajandaha kulanka maanta la horkeenay, waxa uuna xusay in ajandaha maanta uusan laheyn mudnaan ayna hada dalka ka jiro xaalado kale sida khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada.

Xildhibaan Ciyaar Jecel ayaa Warbaahinta u sheegay in markii uu isku daayay in uu ka hadlo qodobadii Shacabka Soomaaliyeed dantu ugu jirto in Gudoomiyaha baarlamaanka uu amray in Makarafoonka laga damiyo.

Ciyaar Jecel ayaa cadeeyay in dalka hada uusan laheyn Baarlamaanka shacabka matala, waxa uuna ku baaqay in loo istaaggo badbaadinta iyo jiritaanka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.