Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Weli Sheeko Iyo Shaahid Ma Ku Maqasheen .. Hadey Runi-Run Timi Oo Xag Rabi Laga Kashifay .. Farmajo Run Ma La Heshiin-Kara Intaan Dusha Daad Naga Marin

Tuesday - October 22, 2019



Wargeyska Daily Nation cadadkiisi shalay ee ka soo baxa cariga Kenya ayaa wareysi la yeeshay safiirka Mareykanka u jooga Kenya, waxaana ay weydiisay mid ka mid ah su’aalo la xiriiray muranka badda ee labadda wadan ee Somalia iyo Kenya iyo waxa uu yahay go’aanka Mareykanka.

Danjire Kyle McCarter wuxuu sheegay in USA ay ka shaqeyneyso in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka, wuxuu kaloo sheegay inuu Muqdisho tagay uuna madaxweyne Farmaajo kala hadlay inuu dacwada kasoo saaro maxkamada, oo arrinta wadahadal lagu xaliyo. Wuxuu intaa ku daray in Farmaajo iyo Uhuru ay u sheegeen in caqabada ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al Shabaab.

Dowladda Somalia ma sheegin socdaalka uu Kyle McCarter ku yimid Muqdisho kaas oo u muuqda inuu qarsoodi ahaa, balse hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo asbuucii la soo dhaafay ay maxkamadd ICJ dib u dhigtay wajiga labaad ee dhageysiga muranka badda ee Kenya iyo Somalia, waxaana laga yaaba in arinta Bada ay marba marka ka dambeysa ku socon-doonto dibu-dhig iyo dibu dhig joogta ah.

Dhinaca kale waxaa la rumeysan-yahay in xog qarsoon oo meesha ku jirta rabi kashifay, taaso la xariirta in heshiisku u ka mid yahay sidi dawlada fedaraaka loogu soo gacan celin lahaa Jubaland, oo taas waa mida ay wada doonayeen Uhuuru Iyo Farmaajo  

Waxaa muuqata caqabad weyn ma daama Mareykanka oo galaangal badan ku leh arrimaha Somalia iyo adduunka uu doonaayo in meel ka baxsan maxkamada lagu xaliyo doodda badda ee Somalia iyo Kenya, taa oo jirta in wajiga labaad ee doodda lagu aadiyay xili ay Somalia ku jirto xaalad doorasho.