Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Tani Miyey Iska Kala Dareeri-doonta .. Itoobiya Oo Xaalad Kacdoon Ku Waabarisatay

Wednesday - October 23, 2019

Dhalinyarta la baxday Magaca "Qeerro" ee uu hogaamiyo Jawhar Maxamed ayaa maanta xiray dhamaan waddooyinka hal-bawlaha u ah dalka Itoobiya, taas oo keentay in maanta isu socodka magaalooyinku ay xanibmaan.

Magaalooyinka Harar, Baabili iyo Awaday, waxaa xiran goobihii ganacsiga sida Bangiyada iyo goobaha ganacsiga ee kale iyadoo askar badan lagu soo daadiyay magaalooyinka.

Xaaladdan amni-darro ee saaka dalku ku waabariistay ayaa ka dambaysay kaddib waraysi kulul oo uu Jawhar Maxamed xalay siiyay Ltv oo ah Tv madax-banaan kaas oo uu kabaha la dulmaray Xukuumadda Dr. Abiyi oo uu sheegay in arrintan MADAMAR ee uu Abiyi keenay tahay mid dadka lagu caburinayo.

Xalay ayay dawladdu u yeertay ilaaladii Jawhar Maxamed ee gurigiisa ilaalinaysay, taas oo ka caraysiisay dhammaan taageerayaasha Jawhar Maxamed waana midda keentay in dalka Itoobiya maanta xaaladdan galo.

Jawhar Maxamed ayaa ah nin u dooda xuquuqda Oromada, wuxuuna haystaa taageerayasha u badan ee Oromada oo ah dadka ugu badan ee Itoobiya dega, wuxuuna leeyahay koox dhalinyaro ah oo la yiraahdo Qeerro.

Lama oga waxay ku dambayn doonto xaaladda maanta Itoobiya ka taagan, iyadoo haddii ay sida ku socoto laga yaabo in lajaro isgaadhsiinta oo Internetku u horeeyo.

Xaaladdan maanta jirta ayaa waxay u badan tahay degaanka Oromiya, iyo magaalooyinka la isla deggan yahay sida Diridhabe.