Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ka Daraa Ka Sii Daray Iyo Cinjir La Kala Jiid-Jiidaayo .. Dhusamareeb Waa Lala Wareegay

Thursday - October 24, 2019

 
Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Caasimada Galmudug ayaa laga sheegaya in Ciidamo ka Amar qaadata Ahlusuna Ay la wareegaan guud ahaan Amaanka Magaalada Dhusa-mareeb iyo gaar ahaan xaruumaha maamulka dawlada, waxaana amarka ay halkaa ku tageen si toosa u bixiyey Shiikh Shakir
 
Arinkaan ayaa yimid ka dib markii Is fahan waa uu soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo Dowladda Dhexe .. Waxaa sido kale Gudaha Magaalada Dhuusa Mareeb ku Sugan Labo gudi oo ay soo kala magacaabeen Wasarada Arimaha Gudaha Somaliya iyo Madaxda Ahlusuna

Mana jiraan wax wadda hadal ah oo labada dhinac oo hada ka Soconaya Dhuusa Mareeb
Islamarkaana xal looga gaarayo Khilaafka Siyaasadeed Ee ka Tagan Dowladda Iyo Ahlusuna.