Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Been Iyo Xaaraan Marki La Isku Daro Najaas Bay Noqdaan .. M. Bin Salmaan Oo Xaga Dumarka Is Badal Ka Muujiyey Iyo Dhanka Kale Oo U Ka Ugaar-sanaayo Dadka Wax-Galka Ah

Wednesday - November 6, 2019



Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch warbixin ay kasoo saartay maamulka Maxamed Bin Salmaan ayay ku sheegtay in 200 ruux in ka badan loo xiray arrimo siyaasadeed tan iyo markii uu qabsaday talada dalka.

Inkastoo uu ka sameeyay dalka Sacuudiga isbedello taariikhi ah sida dumarka oo kaligood safri kara, in ay gawaarida ka xeyn karaan iyo in ay garoomada ciyaaraha tegi karaan ayaa hadana dhanka kale waxa uu ka waday ugaarsi dhanka siyaasiyiinta iyo dadka wax-galka ah ee dalkaasi kuwaas oo uu u arkay in ay dhaawici karaan sumcadda iyo siyaasadda uu damacsan yahay.

Dilkii wariyaha reer Sacuudi ee Jamal Khashoggi oo isaga lagu eedeynayo in uu ka dambeeyay sannad ka hor ayaa, gadaashiisa waxaa la xir-xiray 32 ruux kuwaas oo isugu jira dad u dhaq-dhaqaaqa arrimha xorriyadda, bini`aadamnimada, qareenno, saxafiyiin iyo waliba ganacsato.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ammaanta isbeddeleed ee uu sameeyay Bin Salmaan oo xukunka qabsaday sannadkii 2017 ay qarisay gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda bini`aadamnimada ee uu geysanayo.

Dhawaan ayay dowladda Sucuudiga lamanayaasha aan is guursan ee ajaanibta ah u ogolaaday inay qolal ka kireysan karaan Huteellada dalkaas kaddib markii boqortooyada dhawaan ay shaaca ka qaaday hab u gaara ah oo dal ku galka loogu ogolaanayo dalxiisayaasha inay tegi karaan dalkaas, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag.

Waxaa haweenka loo ogolanayaa inay kireysan karaan Huteelada iyagoo maxram la’aan ah.

waagi hore Lamanayaasha is qaba waxaa la weyddin jiray inay la yimaadaan caddeyn isla markaasna ay soo bandhigaan warqad muujineyso xilliga ay is guursadeen.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dowladda Sucuudiga ay waddo barnaamijyo lagu xoojinayo dalxiiska dalkaas.