Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Riyadi Fircoon Ka Yaabisay Iyo Wixii Loogu Fasiray Oo Halaagiisi Ahayd

Sunday - November 17, 2019




Nabi Muuse waxaa dhalay Cimraan oo ka soo jeedda farac ka yinid  NabiYacquub ina Isxaaq ina Ibraahim Alkhaliil (NNK).

Waa marka hore waxaa xusid mudan Nabi Yuusuf ayaa inti muddo ah ka talin jiray cariga Masar, dabadeena marku la heshiiyey walaalihis ee xumaanta u geystay wuxuu soo dajiyey dalka Masar iyaga iyo Aabihiis Nabi Yacquub iyo dhamaan wixii ehel u ahaa waxayna dalkaas ku noolaayeen mmuddo dheer.
Dalka Masar waqtigaas Yuusuf ka talin iray waxaa shacab ahaan ku noola Masaari Qibdiyiin ah, dadkaas aad u colaadin jiray Firki Nabi Yacquub ee la oran jiray Reer bani israail .. Dagaalo culus ayaana labada dhinac dhex maray ugu dambeystiina waxa dagaalkii ku Gacan sarreeyay Qibdiyiintii Masar waxaana gaaray  Reer Banu Israiil Dhibaato badan oo ka soo noqosho lahayn, way Laayeen oo Hantidoodii bay dhaceen kadibna Adoonsadeen 

Fircoonadii Masar kala ddambeeyey waxay Adoonsadeen Reer Banu Israiil, oo kasoo jeeda Nabi Yacquub (NNK). Muddo kadib waxa Xukunka Masar la wareegay Fircoon adag oo ka Xun kuwii hore, Fircoonkani waa Naxariis Laawe, waxaanu Cadaawad iyo Xaasidnimo fogaatay oo xeeldheer u hayaa Reer Banu Israiil., wuxuuna ku kaccay arrimo badan oo la yaableh, oo aan waligeed horey loo maqal wuxuu sheegtay inuu yahay ilaah, kaba sii darane waxa uu sheegtay inuu isagu yahay Rabbi.

Fircconka noocaas aha ayaa habeen habeenada ka mida Riyooday, waxaanu arkay Arrin ka yaabisay oo uu dhagaha faraha ka gashtay. Waxuu ku Riyooday Naar ka timid Dhulka Falastiin oo gubaysa wax kasta oo kasoo hor baxa, waxaana la yaab lahayd in Naartaasi soo gaartay wadanka Masar oo ay Gebi’ahaanba baabisay Guryahii Qibdiyiinta iyo Hantidii Fircoon, hase-ahaatee waxna may yeelin Guryihii ay ku jireen Reer Banu Israiil .. Arrintan Naxdinta Fircoon, waa ka seexan kari-waayey, waxaana loo diiday Jiif iyo joogba.

Fircoon waxa uu utagay Sixiroolayaashii iyo kuwii Faalka rogi jiray, wuxuu uga warramay Riyadiisa,  waxayna dhamaantood isku raaceen in Reer Banu Israiil uu ka dhalanayo Cunug Yar oo Afganbin-doona Xukunaaga iyo Adoonsiga uu ku hayey Reer Banu Israiil.

Maxay ku ogaadeen Faaliyayashii inuu Wiilkaasi yahay Reer Banu Israiil, sabatoo ah Naartu waxay ka timid xaggaas iyo Falastiin Ama Baytal Maqdas.

Fircoonkii Rabbinimada sheeganayey waxa kaga yaabiyey Riyo kaliya, waa ninkii inta uu kibir ka gaadhay lahaa, “Miyeydaan Arkayn Wabiyadan Hoostayda maraya, Aniga ayaa iska leh Xukunka Masar iyo waxa Dad ku nool.”

Fircoon wuxuu gudo galay inuu isugu yeedho Wasiiradiisii, la taliyeyaashi iyo intii ka Ag Dhoweyd. Kadibna go’aankii waxa uu noqday, In La Gawraco Dhammaan Caruurta Reer Banu Israiil .. dabadeed
ciidankiisii wuxuu kusii daayey Dadkii masaakiinta ahaa ee Reer Banu Israiil. Waxayna laayeen Ubadkii oo dhan wixii Wiil ahaa, Xitaa Haweenka Uurka lahaa warkooda waa lahayaa, oo waxa u joogaa basaasiintii Fircoon .. Maalintii danbe waxay kuwii Wasiiradiisa ku yiraahdeen Fircoonow, “Haddii aad Gawracdo Dhamaan Caruurta Reer Banu Israiil, Yaa inoo shaqaynaya?
Kadib Fircoon waxa uu soo saaray Qaraar kale, kaas oo ahaa in Caruurta Sanadna la Laayo, Snadka kalena la dhaafo.

Sanadkii la Dhaafay waxa dhashay Wiil yar oo waakuma, Waa Nabi Haaruun (NNK) oo ah Nabi Muuse walaalkiis oo ay isku Hooyo iyo isku Aabo yihiin .. Sanadkii la Gawracayey Ubadka Reer Banu Israiil waxa Dhashay Nabi Muuse (NNK) laakiin hooyadiis ayaa si waxyi ah loogu sheegay iney santuukh loox ah sameyso kadibna ku rido Muuse kuna tuurto biyaha Bada .. santuukhi waxaa helay askati fircoon, laakiin Xaaskii Fircoon oo ahayd Ruux qalbi wanaagsan ayaa ku tiri, “Ha dilina, waan ku indho doogsanaynaa, waxaana laga yaabaa inuu Ina Anfaco ama aynu ka dhigano Ubade.”

Fircoon ma dareensana inuu yahay Cunugii isaga awgii uu u laayey Caruurta badan ee Reer Banu Israiil, balse Aakhrki waxay sheekadi Muuse talaabo talaabo u socotaba ugu dambeyn Eebe waxa uu amray Nabi Muuse inuu u tago Fircoon iyo Qoomkiisii .. halkaas ayaana Fircoon Iyo Qoomkiisi ku halaagmeen