Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hawo Nimay Fogeysaba Dan Baa Hoos U Soo Celin .. Fahad Yaasiin Oo Mucaaradka Kula Gorgortamaya In La Wada Dhisto Dawlad Wada Jira

Tuesday - November 19, 2019




Agaasimaha Hay'ada Nabadsugida Fahad Yaasiin ayaa illa hada iyo bilihi la soo dhaafay, wuxuu aad ugu mashquulsanaa sidi uu u soo xero galin lahaa kooxaha mucaaradka ku ah dawlada .. sida la xigtay Horay Istanbuul baa lagu kulmay, laakiin kulumada ugu dambeeyey waxay ku dhaceen baa la yiri Mogdisho oo dhex maray Fahad Yaasiin iyo Gudoomiyo ku-xigeenka golaha Aqalka sare Bashiir Bukhaari. 

Kulamadaas ayaa looga hadlay in mucaaradka dawlada lagu soo daro xukumada, isla markaana la wada dhisto xukumad la wada leeyahay .. Fahad Yaasiin oo ay ugu muuqato in ay adag-tahay in dawlada u milkiilaha ka yahay ay sii jiri-karto ayaa markaan doonahaya inu helo qiil iyo gor-gortan u ku badbaadiyo dawlada isagu u maamulkeeda gacanta ku hayo

Wadahadalada Mucaaradka iyo Fahad Yaasiin ayaa looga hadlay Sadex Qodob:
1- in Mucaaradka ay ku soo biiraan dawlada oo jagooyin muhim ah laga siiyo
2- in wixii dhaqaale ah ee loo baahan-yahay loogu yimaado Fahad Yaasiin
3- In si wada jira looga wada shaqeeyo muddo kororsi 4 sano ah

Waxaa sido kale la isku soo qaaday sida ay macquulka ku tahay in Raiisal wasaare Kheyre lagu badalo shaqsi ka socda kooxda Mucaaradka, waxaase mucaaradka doomayaan in Farmaajo meesha ka baxo oo Fahad la yimaado Riisal Wasaare, waxaana la tuhunsan-yahay in Fahad soo jeedintaas usan waxba ka qabin

Wada-hadalkaan ayaa ah mid qabyo ah oo aan weli laga gaarin go'aan buuxa .. waxaa aan weli cadeyn in wada hadalada Fahad Yaasiin la furay Kooxda Mucaaradka in Farmaajo iyo kheyre qayb ka yihiin?

Fahad ayaa ay ka go'an-tahay in uu mar kale keensado dawlad u leeyahay haddi Farmaajo iyo Kheyre ku guuldareystaan ku qancinta shacabka Somaaliyeed in dib loo soo doorto .. si kastaba ha haate waxaa muuqda in Farmaajo u noqday shaqsi aad u liita oo dad gaara u ka mid yahay Fahad Yaasiin meel ugu xiran, taaso keentay in xildhibaano badan oo la soo halgamay ay hadda ku soo biiray Mucaardka.