Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Taariikhda Ummadaha Aan Barano Si Aan Danteena U Garano .. Xagee Bulshada Kurdiga Ee Dulmiga Iyo Dhibaatada Loo Geysto Ay Ka Soo Jeedaan?

Tuesday - November 26, 2019



Meel-ka-soo jeedka magaca KURDI ayaa ka soo farcantay boqortooyo ka jiri jirtay dalka Iiraan oo la oran jiray (Middle Persian) ka hor intii aanu Islaamku gaarin dhulka haatan la yirah Iiraan. Waxaanay ahaayeen qoomiyad reer miyi u badan oo ka tirsanayd boqortooyadaasi, hasayeeshee markii uu Islaamku gaaray Iiraan ayaa loo beddelay carabi oo ay noqotay KURDI.  

Kurdiyiinta ayaa lagu sheegaa inay tiro ahaan yihiin inta u dhaxaysa 25 ilaa 35 Milyan oo qof, kuwaasi oo ku nool dhulkii hore loo oran jiray Mesopotamia oo wakhtigan noqonaysa koonfura bari ee Turkiga, waqooyi bari ee Suuriya, waqooyiga dalka Ciraaq, galbeedka Iiraan iyo waqooyi galbeed ee dalka Armaaniya.
Tirada ugu badani waxa ay ku nooshahay dalka Turkiga. Sida ay ugu kala nool yihiin dalalkaasi waa: 15 Milyan ayaa ku nool dalka Turkiga, 8 Milyan dalka Iiraan, Suuriya 2 Milyan, 6 Milyan Ciraaq iyo Armaaniya oo ay ku nool yihiin 40,000. Inta soo hartay ayaa adduunka intiisa kale ku kala firidhsan. 

Kurdiyiintu 98% waa dad Muslimiin Sunni ah, halka 2% ay yihiin Muslimiin Shiico ah. Kurdiyiintu waa qoomiyada dagaal-yahanno ah, sidoo kalena dhulkoodu waa kan ugu hodsan bariga dhexe, waxaana laga soo saaraa shidaalka ugu badan .. Salaaxudiin Al-Ayuubi oo ahaa geesi ka dhashay qoomiyada Kurdiyiinta waa kii Kufaarta ka xorreeyey Qudus sannadkii 1187-kii. Waana qoomiyada afraad ee ugu badan dadka dega bariga dhexe.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1915 ilaa 1920 ayey Kurdiyiintu dagaal culus ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska ee ku sugnaa deegaannadooda, waxaana cagta la mariyey ciidamo tiro badan oo Ingiriis ah. Tallaabadaasi ayaa si weyn uga caraysiisay dawladdii Ingiriiska, waxaanu wasiirkii dagaalka ee Ingiriiska marna ahaa wasiirka Mustacmaraadka ee wakhtigaasi oo la oran jiray Sir Winston Churchil ayaa amray in xoog xad-dhaaf ah loo adeegsado kacdoonka Kurdiyiinta .. Ciidamadii Ingiriiska ayaa qaaday duullaan socday 4,800 oo saacadood, waxaana dagaalkaasi lagu xasuuqay boqol kun oo u badan Kurdiyiin iyo waxoogaa Ciraaqiyiin ah. Inkasta oo markii dambe uu Ingiriisku qirtay inuu diley 9 kun oo qof oo Kurdiyiin ah.

Sannadkii 1923-kii Ingiriiska oo ka aargoosanaya Kurdiyiinta wuxuu qoomiyadoodii u qaybiyey afar waaxood oo kala ah: Kurdi-Turki, Kurdi-Suuri, Kurdi-Iiraani iyo Kurdi-Ciraaqi iyo Kurdi-Armaani. Waxa sidoo kale la dhalan-rogay luuqadoodii, oo meesha laga saaray, waxaanay haatan ku kala hadlaan Turki, Carabi iyo Faarisi.

Maadaama oo ay dalka Turkiga ku nool yihiin tirada ugu badan ee Kurdiyiinta ahi, wuxuu Turkigu wadnaha farta ku hayaa inay isku xirmaan Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya ku xoogan iyo Kurdiyiinta Ciraaq oo ay noqdaan awood meesha ka saarta dawlada Turkiga .. Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo Kurdiyiintu wuxuu soo bilaabmay tan iyo sannadkii 1978-kii, markii ay samaysmeen ururo ay leeyihiin Kurdiyiintu kuwaasi oo dalbanayey inay helaan dawlada ka madax bannaan dawlada Turkiga ama ugu yaraan is-maamul hoosaad u gaar ah.

Hasayeeshee dawladda Turkiga ayaa dalabkaasi ku gacansaydhay, waxaanay jeelasha ku gurtay ururadii Kurdiyiinta ee waday dalabka. Intii ka soo hadhay kooxihii jeelasha lagu guray ayaa toos u ficil qaatay oo samaystay jabhad dagaal la gasha ciidamada Turkiga, kaasi oo ilaa hadda socda. Jabhada PKK ayaa ugu horraysay oo dagaalka hubeysan bilowday. Kacdoon ay Kurdiyiintu ka sameeyeen gudaha dalka Turkiga oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 1984 ayey ciidamada Turkigu ku dileen in ka badan afartan kun oo qof oo Kurdiyiin ah. Hoggaamiyaha jabhada PKK Cabdalla Ojolaan ayaa haatan ku jira xabsi ay dawladu Turkigu dhigtay sannadiii 1999, isaga oo laga soo qabtay dalka Kiiniya.

Xaalada haatan ka taagan waqooyiga Suuriya ee ay ciidamada Turkigu duullaanka ku hayaan ayaa timid ka dib markii ay xoogaysteen Kurdiyiinta ku dhaqan waqooyiga Suuriya, oo uu Maraykanku hub iyo tababarba siiyey wakhtigii ay Maraykanka xulufada la ahaayeen ee ay dagaalka kula jireen ururkii Daacish. Ka dib burburkii Daacish ayuu Turkigu is-tusay madax la soo kaca Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya inuu khatar ku yahay dawlada Turkiga oo ay dhici karta inay isku ximaan Kurdiyiintan dalkiisa ku nool iyo kuwa Ciraaq ku nooli taasina ay gilgilayso jiritaanka Turkiga. Sidaasi darteedna uu duullaanka ugu qaaday waqooyiga Suuriya.