Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Farmaajo Wuxuu Madasha Ka Akhrin Jiray Inu Yahay Wadani Balse Maanta Shaar-kiisi Ka Baxday .. Milatariga Itoobiya Oo Loo Fasaxay Iney Somaliya Gudaha U Galan .. Dal Galbaday Deh

Friday - November 29, 2019



Wararka ka imaanaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya, oo aan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad ilaalinta Midowga Afrika ay gaareen magaaladaasi .. Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, watana gaadiidka xamuulka ciidamada ee Uraalaha loo yaqaano ayaa waxay gaareen Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ag degay Ciidamadii Jabuuti ee iyagana halkaas horay ugu sugnaa.

Militariga Itoobiya ayaa Khamiistii soo dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka soo tallaabeen xuduuda labada dal .. Ciidan kale oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, Balad-xawo, Luuq, Jilib iyo Baardheere si ay amniga magaalooyinkaas u xoojiyaan.

Dowladda Somaliya ayaa waxay dareen ka muujinaysaa inay Jubaland iyo Ahlu Sunna caqabad ku noqoto amniga guud ahaan amniga dalka ..  dhinaca kale madaxda Ahlu Sunna ayaa waxay dhawaan iska diideen in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan, iyagoo ku andacoonaya Dowladda Somaliya oo aan meelmarin heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen.

Inkastoo Ahlu Sunada Galmudug aanay weli qaadin tallaabooyin liddi ku ah dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa waxaan meesha laga saari karin suurta-galnimada inay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulkaasi.