Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Midiyaha Waxaa Loo Sita Maanta Yaadan Qadine .. Farmaajo Wixii U Qarsanaayey Oo Rabi Ka Dhawaajiyey .. Mursal Iyo Kheyre Oo Cashar Wacan Dhigay

Sunday - December 1, 2019


Shir ka dhacay Villa Somaliya oo ay ku yeesheen Farmaajo, Kheyre iyo Mursal oo salka ku hayey dood la xariirta doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020-ka ayaa fashal iyo af-garasho laaan ku dhamaaday ..
Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Masuul ku wargaliyey inusan aqbali-karin shariciga doorashada ee la horgeeyey baarlamaanka iyo waxa hoosta laga wado midna.

Madaxweyne Farmaajo oo raba inu qodobo sharciga ku jira dabada ka tuuro ayaa ka soo horjeestay in madaxweynaha ay doortaan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 89-aad ee dastuurka, balse waxa uu sheegay in doorashada soo socoto madaxweynaha ku imaan doono doorasho dadweyne, laakiin gudoomiye Mursal ayaa si qeexan wax u sharxay, isla markaana muujiyey diidmo in la jabiyo dastuurka, suragalna ahayen doorasho cod la qabto, sidaas oo kale RW kheyre oo markiisa warka qaatay ayaa isna ku raacay aragtida gudoomiye Mursal, wuxuuna tilmaamay in dawladaha caalamka iyo gaar ahaan umada somali cidna la marsiin-karo baa iska yar

Madaxweyne Farmaajo ayaa marku arkay xulafadi ay wax wada walaaqan jireen iyo daba ruxi, waxaa ku dhacday af kala qaad iyo naxdin awgeed in caloosha socoto ku dhawaaday, waxaana u muuqatay in midnimadi hore iyo is weheshigi la diiday, dabadeedna dib ugu laabtay qolkiisi jiifka.
 
Madaxweyne Farmajo ayaa doonaya inaysan xildhibaano dooran madaxweynaha xiga, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo aan la dooran doonin, maadaama beesha caalamku goobjoog ka noqoneyso, oo uusan wax ku shubasho ah sameyn karin.