Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Hadey Somaliya Dhuun-yeerisay .. Xagjiradi Burburka Somaliya Oo Iska Soo Dhigay Rasuulo Soo Daahiray .. Fahad Oo Fooda Isu Galiyey Mucaaradka Iyo Al-Shabaab .. Cabdi-Shakuur Oo Kafantiisa Soo Qaatay

Saturday - December 7, 2019


Aas-Aasahii xag-jirnimada Somaliya ee colaada uurka googoysay asraarta shubi-jiray Xasan Dahir Aweys, ayaa markii ugu horeeysay wuxuu ka soo galay barta Facebook si Live ah isagoo ka hadlaaya Mucaarad Cabdiraxman Cabdishakuur ku sifeeyay inuu la mid yahay Nin diinta ka baxay .. Xasan Dahir Aweys ayaa ku baaqay in talaabo laga qaado Cabdiraxman Cabdishakuur oo ah Somali British hogaamiya Xisbiga Wadajir.

Sida la ogyahay ciidanka Dowladda Farmaajo ayaa horey u weeraray Cabdiraxman Cabdi-shakuur waxeyna dileen ilaaladiisi kadibna kabaha kula duugeen isagana la dhaawacay waana la dili-lahaa hadeysan waqtiga la fadhin laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka, laakiin markii Maxkamad la saaray waxaa lagu waayay wax dambiyo haba-yaraatee.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la yaab ku noqotay sida Dowladda Farmaajo ugu ogolaatay inuu telefoon Xabsiga dhexdiisa ku isticmaalo hogaamiyaha Xasan Dahir Aweys oo la wada sugaayay in cadaaladda la horgeeyo si loogu Maxkamadeeyo qaraxyadii iyo dilalkii lagula kacay shacabka Soomaaliyeed iyo waliba gaar ahaan qaraxii Hotel Shaamow ee lagu dhamaaday, qaraxii Hargaha iyo Saamaha.

Xasan Dahir Aweys oo sidoo kale ah Aas-Aasahii Urur diimeedka Al-Itixaad wuxuu diiday inuu ka laabto aamin-sanaanta ka mid ahaan-shahiisa Al-Shabaab laakiin Dowladii laga sugaayey iney la dagaalanto argagixisadda ayaa gacanta u gashay isla kooxdii xagjiriinta.

Amiirka Al-Shabaab wuxuu ku baaqay in la dilo meeshii lagu arko Cabdiraxman Cabdishakuur taas oo ka dhigan dimbi weyn oo Maxkamad lagu geeyn-karo Madaxda Dowladda Federalka maadama ay 
cadahay inuu hadalka Amiirka Al-Shabaab iyo Xasan Daahir Aweys oo xabsi ku jira wada shaqeyn ka dhaxeyso iyo sida loogu ogolaaday inu Daahir Aweys inu baraha warkiisa soo galiyo oo halkaas amaro ka dhiibo

Kooxahaan wadaadada Xagjirka u badan ee dowladda Farmaajo taabacsan ayaa Cabdiraxman Cabdishakuur ku eedeeyay inuu u dooday xaquuqda haweenka Soomaaliyeed kadib markii uu khudbadiisii Germany ku sheegay ineysan haweenku aheyn Nusqaan ka caqli yar Raga .. Cabdiraxmaan wuxuu khudbadiisa ku dhiirigeliyay haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu hiiliyay iney wax ka hogaamin karaan dalka ama ugu yaraan noqon karaan hogaan Qaran.