Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Col Gurguuranaaya Oo Dusha Kaga Soo Dhacay Hotel SYL .. Meydku Waa Waranyahay .. Fatat'da Rasaasta Oo Weli Socota .. Dhiiga Gobo' Leh Yaa Leh .. Fadaroowday Nabadi Iyo ii Bixiyow ii Bixi

Tuesday - December 10, 2019



Hotek SYL Oo Maqribadi Col gurguuranaya ay weerareen ayaa weli dhexdiisa laga maqlaya fatataa rsasaas dhinac walba u dhaceysa .. Wararkii ugu dambeeyey wuxuu sheegay in dableydi halkaas gashay qaarkood la dilay, balse 3 ka mida weli goobta ka ridayaan xabado

Tirada dableyda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 5-6 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.

Sadexda dableyda ee ka tirsan Al-Shaab ee weli ka dagaalamayo Hotelka ayaa la sheegay inay galeen meel shub ah oo ay kasoo ridayaan rasaas iyadoo ay ciidamada Dowladda weli ku howlan yihiin sidii ay usoo afjari lahaayeen.

Xilliga weerarka lagu soo qaaday Hotelka SYL ayaa la sheegay in casho sharaf loogu sameenayey qaar ka tirsan odayaal dhaqameedyadii lagu marti qaaday kulankii Maanta lagu caleema saaray Guddoonka Beelaha Habargidir.

3 ka tirsan odayaal dhaqameedyadii halkaas casho sharafta loogu sameeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha Hotelka halka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dhintay rasaasta ka socoto Hotelka.

Sidoo kale dad badan oo Shacab ah oo aan weli tiradooda la helin ayaa ku dhintay weerarkaas, iyadoo dhinaca kalana ay ku dhaawacmeyn illaa 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka Hotelka ku dhintay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka iyo nin Sacuudiga uga imaaday dacwad dhul.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa weli isisoo tarayo, waxaana marba marka ka dambeeyo lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac cusub maadaama weli ay socoto rasaasta.

Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay.