Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hayaay Waa La Kala Baxaya Oo Ninba Halku Ka Soo Jeeday Bu Qoriga U Qaadanaya .. Haweyney Daadka Xabaalaha Ciraaq Laga Soo Gamay Oo La Doonayo In Loo Dhaco Kursiga ILhaan Cumar

Friday - January 24, 2020



Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in IlhanCumar ay kula tartanto doorahsada Mareykanka, gaar ahaan Minesota oo ah halka Ilhan laga soo doorto.

Haweeneydan oo katirsan isla xisbiga ay Ilhan ee dimuqraadiga ayaa sheegtay in Ilhan Cumar “ay tahay mixnad horleh oo kusoo korodhay siyaasadda Mareykanka, waxayna intaa raacisay in khaladaadka Ilhaan ay ku boorisay in ay u tartanto kursiga Aqalka Kongreska ee Ilhan ay ku matesho Minesota.

“Sababta igu dhalisya in aan kursiga kula loolamo Ilhan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar aysan ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tiri Dalia Al-Aqidi oo la hadleysya telefishenka Fox News ee dalka Mareykanka.

Dalia ayaa intaa raacisay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay ka jawaabto su’aala badan, maadaama sida ay sheegtay ay “dhibaato u geysata dad badan oo Amerikaan ah “.

Waxaa kale oo ay sheegtay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay wax u qabato deegaankii laga soo doortay, sharci walba oo ay meelmarisana uusan waxtar u lahayn dadka ku nool halka laga soo dortay.

Ilhan CumarIlhan Cumar
Haweeneydan oo ah saxafiyad horay uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Ilhan Cumar ay shaacisay ololaheeda doorashada oo ay markale ku dooneyso in lagu doorto.

Ilhan ayaa bilawday hal ku dhigga ah “dib ugu celi aqalka Kongreska” oo ay ula jeedo dib u doorashadeeda.

Doorashada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Nofembar ee sanadkan2020-ka, waxaana inta ka horeysa la geli doonaa doorashada xisbiyada dhexdooda, halkaas oo ay kusoo bixi doonaa hadba dadka xisbi walba ku mateli doonaa doorashada guud ee Mareykanka.

Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaali, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump.