Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Inaa Lilaahi Waa Inaa ILaahay Raajicuun .. Waxaa Geeri Ku Timi Jeneral Cabdirisaaq Khalif Cilmi

Wednesday - January 29, 2020



Inaa Lilaahi Waa Inaa ILeyhi Raajicuun ..  Naf Waliba Maalinti Ajasheedu Dhamaato Ayaa Xagga Allah Looga Yeera .. Jeneral Cabdirisaaq Khalif ayaa maanta oo bishu tahay 29/ January/ 20020 ku geeriyooday cariga Kanada gaar ahaan magalada Torono, kadib marki u muddo halkaas Marxuumka u xaalad caafimaad awgeed u jiifay .. Allaha ha u naxariiste geerida Cabdirisaaq ayaa soo baxday xalay inu ku geeriyooday isbitaal halkaas ku yaal, waxaana si rasmi ah haddi Alle idmo Xabaasha iilka la geeynaya isla maanta waqtiga Salaatul Duhurka 

Jeneral Cabdirisaaq Khalif oo geeridiisa Ehelka iyo gaar ahaan dadkii yiqiinay iyo saraakiishi la shaqeyneysa-ba ay si weyn oo danqasho leh uga naxeen, wuxuu ka mid ahaa saraakiishi magaca lahaa ee u hagar-baxay dibu habeynti iyo xakameynti Jayshki Qaranka ee mudada badan walaaq iyo fawdo ku dhex jiray.

Dhinaca Kale waxaa halkaan Tacsi ka diraya dhamaan familka Reer Xaashi Dhoore oo ay ugu horeyso Hooyo Siraad Xaashi dhoore iyo dhamaan Awlaadeeda, sido kale waxaa isna si gaara tacsida diraaya Familka Reer Cadaawe oo ugu horeeyo Al-Akh Maxamed Cali Xaashi iyo dhamaan qaraabada meelkasta ka joogta dunida dacaladeeda, waxaana Marxuumka Alle uga baryeynaa inu naxariistiisa Jano ka waraabiyo .. isla markaana Qaraabadi iyo Asxaabti u ka baxayna Samir iyo iimaan Alle u ka siiyo .. Aamiin Aamiin Carshigaba Ha Laga Soo Aqbalo .. Ina Lilaahi Wa Inaa ILeyhi Raajicuun