Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Arligi Somaliya Maalinba Maalinta Ka Dambeysa Aakhiro Ayey U Sii Kaceysa Oo Hadda Ayey Toos U Gashay iilkii Runta Ahaa .. Waxaas Waxaa Keenay Waa Talo Nin Dhoohan Iyo Wax Aan Dhaamin

Sunday - Feb 2, 2020



Cigaal Shidaad (ilaahay ha u naxariiste) baa waxa laga hayaa murtiddii ahayd: Haddii aan Rugtaan laga guurin, waxa ka soo dhici doona Gorayo heeryeysan .. Waxa Iyana soo bixi doona sheeko aan maqli jirey oo ahayd " Diin kabaalaysan iyo Dawaco kooraysan" sida muuqatana waxaa ku kelifay Cigaal Shidaad markii uu ka yaabay, sidda ay wakhti-gaas wax u socdeen, buu ifafaala-heedda sii arkaayey. Siddii baana ay u dhacday oo wixii uu sheegay ay dadkii hor yimaadeen

Arligi Somaliya Maalinba maalinta ka dambeysa Aakhiro ayey u sii kaceysa oo hadda ayey toos u gashay iilki runta ahaa, waxaasna waxaa keenay oo silcinaaya waa talo nin dhoohan iyo wax aan dhaamin .. Horaa somali u tiri Nimaad taqaano urkiisa baad ku jirta .. Maxamed Farmaajo iyo Kheyre oo bilaa dhaqan iyo bila waayo arag ah, waxay shicibki ka dhigeen Afo iyaga u dhaxda oo inta loo meheriyey iyagu iska qaba .. Arintu si kastaba ha ahaate si aan u soo kooba warka Nimankaan .. markey hubsadeen in aanu baar iyo jiho u baxeyn oo shacabki dhabarka u jeediyey, oo hantidi Umadda khasnadi ay ku jirtay la faaruqiyey, ayey indhaha isku soo qabsadeen oo hadda waxa kaliya ay qorsheynayaan oo laga sugaya iyo wixii hadda ka dambeeya in si farsamo ah fooda isu galiyaan beelaha gobolada Sida Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Konfur galbeed oo ay ka ridaan dagaalo sokeeye iyo in la isku burburiyo ileyn dantoota ku jirte.

Labadaan shakhsi wax-kasta oo Shiikh iyo Shariif wax u sheegeen amase wax u tilmaameen loo caqli celiyey kuwa wax ku qaadanaya ma aha iney dhooqo si dhex fariistaan mooye, sababto ah dan baa ugu jirin in wax hagaagaan, taaso oo ay weliba u dheertahay cuqdad aan daawo lahayen, umana muuqato qiimaha ay ugu fadhido doorasho xaq ah wadanka ka dhacda ee waxay ku soo indha cadyihiin sidaan doono baan yeeleyna .. Ila hadda lama hayo wax ay soo kordhiyeen aan ka ahayen kala fogaansho laga soo bilaabo ilaa iyo maalintii la doortay 

Waxan ku soo af-gooyey qoraalkan. Kuwani qaar abdo leh maaha, naf-na uma hayaan Dal iyo Dad, waxay meesha u joogaana maaha wax kale ee waa ka fara-qabsadda .. waa kaas aduunkii mashriq iyo Maqrib dabadda inoo soo jeediyey ee siddii bahalihii is cuni jirey foodda la isu keen suray .. waxaan ku soo xiray ugu dambeyn kuwa weli hunguri-raaca ah amase xilka ku doonaya hadana iska dhigaya iney dadka naf u hayaan sacabka ugu garaacaya ee siyaabo kala duwan wax u qiimeynaya iyaka baa maalin maalamha ka mida shalayti ku oron-doona shacabow Raali naga ahaada kuwaan baan wax moodeyne  .. Somaliya Hanoolaato