Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dhacda Walba Xasuusteed .. Jeneral Somali Oo Wata 40 Askari Oo Cagta Mariyey Askarti Isku Dayday Iney Afgambiyan Madaxweyne Moi

Tuesday - Feb 4, 2020




Waxaa maanta Magalaada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxwyenihii hore ee Kenya, Daniel Arap Moi oo Kenya soo maamulayay muddo 24 sano .. Xukunkii Moi waxaa aad loogu xusuuta afgembigii dhicisoobay ee uu ka badbaaday sanadkii 1982.

Inkastoo Maamulkii Moi uu gacan bir ah ku qabtay Kenya, haddana waxaa jiray rag ka tirsanaa milateriga oo isku dayay inay xilka ka turaan .. Saraakiil ka tirsanaa ciidammada cirka ee milateriga ayaa sanandkii 1982 sameeyay isku day afgambi oo markii dambe fashilmay, kadib markii uu soo farageliyay Jeneraal Maxamuud oo ah nin Soomaali oo ka tirsanaa milateriga, kana soo jeeda gobolka waqooyi Bari ee Kenya.

Jeneraal Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada lugta ayaase sabab u nqoday in Moi uu dalka Kenya maamulo 24 sano, kana badbaado qeyb ahaan isku day afgembi oo ay dhici kartay in ay noolashiisa galaafato.

Jeneraal Maxamuud waa ninkii badbaadiyay madaxtinimadii madaxweyne Moi .. Markii uu afgembiga dhacay, madaxweyne Moi waxaa uu ku sugnaa Beer uu ku lahaa deegaanka Kaparnet oo uu Moi ka soo jeeda .. Jeneraal Maxamuud ayaa markiiba waxaa uu tegay beertii uu ku sugnaa Madaxweyne Moi, waxaana uu ka dalbaday in uu u fasaxo sidii uu uga hortagi lahaa afgembiga.

Dadkii u soo joogay xilligaas waxay shegeen in Jeneraalka oo wata askar lagu qiyaasay 40 uu cagta mariyay askartii isku dayaysay afgembiga, waxaana uu markale xukunka kus oo celiyay madaxweyne Moi .. Xilligaas waxaa taliyaha ciidamada ee Kenya ahaa Jeneraal lagu magacaabi jiray Mulinge, balse markii uu afgembiga fashilmay waxaa uu madaxweyne Daniel Moi uu xilka taliyaha ciidamada sanadkii 1986 u magacaabay Jeneraal Maxamuud Maxamed Barow oo hayay tan iyo sanadkii 1996.

Wixii intaa ka dambeeyay Jeneraal Maxamuud waxaa lagu tilmaami jiray in uu ahaa ninkii ugu dhawaa madaxweyne Moi ee uu aad ugu kalsoonaa.

Jeneraal Maxamuud wuxuu si dhaw ula soo shaqeeyay Moi Wuxuu sheegay in markii uu afgembiga dhacay Jeneraalka uu ku sugnaa Magaalada Nakuru, balse saacado gudahod uu idaacadda Qaranka kala wareegay ciidanka afgembiga sameeyay.

Dalkii oo jahwareersan ayuu Jeneraal Maxamud waxaa uu soo kaxeeyay madaxweyne Daniel Arap Moi, oo wuxuu hor-keenay idaacadda Qaranka, wuxuuna la hadashiiyay shacabka, wuxuuna uu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu nool yahay, dalkana uu ka taliyo, ciidankana ay isaga ka amar qaataan

Siyaasi ayaa sheegay in qofka Soomaaliga u maanta ka fursad wanaaagsan yahay wixii ka horeeyay afgembiga, suurtagaln ay tahay in qof Soomaali uu madaxweyne ka nqodo Kenya, maadaama sumcad wanaagsan loo hayo Soomaalida Kenya, arrintaasina uu sabab u yahay Jeneraal Maxamuud.

Jeneral Maxamuud waxaa uu badelay fikirkii qaldanaa ee laga heystay Soomaalida, waxaa uu sare u qaaday kalsoonida lagu qabo Soomaalida, waxayna taas keentay in si dhab ah loo aqoonsado jiritaanka dadka Somaalida ee Kenya, waana geesi badbaadiyay Kenya, waligiina la xusi doona