Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Amarka ILaah Cid Baan Oodi-karin .. China Ibtilada Haysa Iyo Balaayada Ku Habsatay .. Habaarkan Xagee Kaga Yimid

Thursday - Feb 6, 2020



 Quwadaha Aduunka Inta is Bida Xooga Waa Inta Ugu Quursiga Badan Aan Kala Saarin Xaqa Iyo Baadilka .. Guddiga Qaramada Midoobay ee Tir-tiridda Midab Takoorka Isir, ayaa tilmaamtay in qiyaasahu sheegayaan in ku dhawaad Laba Malyuun oo ah bulshada Uighurs-ka Muslimiinta ah oo ah dadka laga tiro badan yahay in lagu khasbay inay galaan waxa China ugu yeertay " Xeryo Laga barto Aragtida siyaasadeed" oo ku yaala gobolka Xingyang ee maamul hoosaadka leh ee galbeedka China.

Guddiga waxay xaqiiq-sadeen oo sheegeen inay ka welwelsan yihiin wararka qaar badan oo lagu kalsoonaan-karo oo la helay inay sheegayaan in China ay u badashay gobolka maamul hoosaadka leh ee ay leeyihiin bulshada Uighur-ka ee Muslimiinta ah mid u muuqda Xero Xayn-daab qarsoodi ah oo loo arko meel aanan lahayn xuquuq iyada oo loogu soo gabanaayo waxa loogu yeero la dagaalanka Xag-jirnimada diimeed iyo ilaalinta xasiloonida bulshada .. Waxaa lagu waramaya in Xer-yahaas waa sida China sheegte in halkaas lagu Qaras-bixiyo Dadka maskaxda aragtida xun leh.  

Waxa taliska China uu dejiyay qorshe balaaran oo uu gobolkan ku soo dajiyay Qawmiyada loo yaqaan "Han" ee Chinese-ka ah, si uu ugu hortago Muslimiinta Uighur-ka ee leh gobolka oo hore u ahaa kuwa ugu tirada badan ee deggan gobolka, balse maanta deegaamayntan kadib qawmiyada Shineyska ee "Han" waxay noqotay tan ugu tirada badan ee gobolkaas.

Taliska China ayaa Umaadaas musllimiinta ku cayrsada ineysan la dhiig ahayen, oo si xun ayey u guumeysteen, waxayna ugu dambeysti ku soo rogeen ineysan Soomin oo xita dadka siiyaan cunto bilaasha si aysan u Soomin .. Lama soo koobi-karo waxaa musllimiin-taas China fawaaxishta fool-xumida lagula kacay .. isla markaana wixii la xariira cibaadooyinka kale ciriri xun laga galiyey .. Waxaa si jajuub ah la amray in dumarka ay xijaabka tuuraan fusuqana si khasaba looga qayb galiyo .. waxaa lagu khasbay iney waagi beryaba xabsiga ku qaadaan heesaha Guulwadeynta Shuuciga (Dadkaaga Dhinac Ka Raac Yaanad Lumine Dhinac Ka Raac) ..  halkaasna ku liqliqaan seedaha khaansiir aan la soo bisleyn, kwa waaba la khaarijiyey .. Waxaa kalo la amray in gabdhaha musllimiinta ay guursadaan caama la soo xulay oo ah Qoomiyada shiinaha ee la yiraa "Haan" .. Waxaa weerar lagu qaaday dhaqankoodi .. Arintaa dawladihi islaamka intoodi badneyd dulmigaas wey ka aamuuseen, balse qaarkood haba u bateen dawladaha Carabta iyagoo munaafaqeynaya ayey ku dhiirigaliyeen in xaalkaas u yahay arimaha gudaha china.

Akhristow ha iga fogaan ee ila Eeg inta hoose ado raali ah .. Saas markay dhacday oo la waayey Dal dhaliila dulmiga musllimiinta China lagu hayo, balse xita Hiil ficil laga waayey dawladihi Musllimiinti caalamka joogtay aan ka ahayen Turkiga, waxaa musllimiinti bulshada China ku badatay Calool xumo, Qaylo iyo hayaay iyo fakar, waxayse oohinti ilmadooda ku oodeen Samiir iyo in balaayada meereysa Alle dhinac ka mariyo.

Waxaa la yiri: Nin Allaha Wakiishay Wehel Uma Baahna .. Ibtiladu oo aan ileys lahayen oo markay imaaneyso aan la ogeyn .. Alle oo Naxariistiisa balaaran-tahay, Bal u fiirso sidu markiiba u ajiibay codsigi adoomadiisa, oo China sidi loo joogay hal mar meel Eber ah noqotay, balse ku sii socota waqtigi ay baabi'i-lahaayeen oo maanta iyagi oo boqolaal Milyan ah xero ilaahay ku ooday oo aan loo gali-karin lagana bixi-karin .. waxaa xag Alle looga keenay in iyagi oo malaayiin ah wajiga xijaab ku xirtaan. oo afka dabeysha u dhigi-waayeen Naqaski ku xirmay .. China Xag Alle  ayaa looga Arbaca-arbaceeyey indhahooda oo Shan Ah oo iminka bay calyadi ka dhamaatay Oo Geed Ay qabsadaan La'yihiin .. Oo Ay ku Jiraan Xaalad Ah Aduunkow ii Soo Gaar .. Yaa is gaaray.