Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Keli-Taliye Dadkiisi Hooga Iyo Silic Baday Oo Weli Inta Badan Jaceyl Ay U Qabaan Darteed Ka Dhigeen Xariir Falaxalan .. War Kooban Oo Ka Hadlaya Kali-Taliyihi Ruushka Josph Stalin

Thursday - Feb 13, 2020




Joseph V. Stalin waxa uu ku dhashay 18-kii December 1878-kii degaanka Gori ee Georgia, oo xilligaas ka tirsaneyd boqotooyada Ruushka .. Hooyadi waxa ay la jecleyd in uu noqdo wadaad Baaderi ah iyada oo ka dhigaysa mahad-naq maadaama wiilashi kale ka dhinteen oo uu ilaahay isaga u badbaadiyey .. Aabihii waxa uu ahaa khamri-yacab marku sakhraamo garaaca wiilkiisa Stalin iyo hooyadii.

1898 Stalin isaga oo 20 jir ah ayuu ku biiray xisbigii shaqaalaha ee Ruushka ee markii danbena noqday kooxdii Balshafiga ahayd .. 1902-dii ayaa sirdoonki boqortooyada gacanta ku dhigeen, in kasta oo aan caddaymo ku filan loo helin haddana xabsiga ayuu sidii isaga sii dhex-yaallay, laakiin mar dambe ayaa loo musaafiriyey Dhanka Siberia oo dhaxan darteed waxaa ku dhacay xanuunka Qaaxada-TB-da 

Ugu Dambeysti, Waxa dalkii qabsaday Xisbigi Balaashifiigi gadoodsanaa .. Stalin xil ayaa waqtigaas loo igmaday oo sannadkii 1922-kiina waxa uu noqday xoghayaha xisbiga .. Markii uu sannadkii 1924-kii dhintay Vladimir Lenin isaga waa Staline ayaa xilkii hogaaminta xisbiga maroorsaday .. Raggii lagu tuhmayay in ay la loo lamanayaana qaarna wuu musaafuriyay, kuwii kalena si hoose ayuu-ba u maxkamadeeyay .. Mudadi uu xilkaas hayana baqdinta iyo argagaxa uu dadka ku abuuray heerka uu gaaray ayaa markau hadlaayo waxaa sacabka loo tumi jiray maxaa kaa galay illa 10 daqiiqo iyo wax ka badan .. waxaa la sheega inu illa 4-Malyan u dilay

Markii la soo gaaray waayihii dagaalkii labaad ee dunida, heshiis ayaa dhex maray Stalin iyo Hitler, waxana uu 1939-kii u sheegay Stalin ciidamadiisa in aan lagu xadgudbin Naziga Jarmalka iyo Hitlerba .. laakiin hitler ma tixgalin heshiiski oo dagaal khasaaro dhaliyey ayuu u geystay Shucuubti Ruushka .. 60-Malyan oo nafood ayey Ruushka ku waayeen dagaalkaas Jarmalku ku soo qaaday

Stalin wuu Qiiqin jiray Sigaarka, Khamrigana wuu cabbi jiray, waliba nooca Georgian-ka ah ayuu ka jeclaa Vodkada Ruushka .. Cuntooyinkana waxa uu jeclaa kuwooda cunto dhaqameedyada ah, waxa uu maalinkii akhriyi jiray celcelis ahaan 50 bog .. waxana uu aad u daawan jiray filimada, gaar ahaan kuwa reer galbeedka ee ajanibka ah iyo sidoo kale kuwa Charlie Chaplin, waxa uu sidoo kale aad u jeclaa suugaanta Georgia iyo Ruushka, gabayadana wuu samayn jiray .. Joseph Stalin waxa uu qoray oo allifay tobaneeyo buug oo badan-koodu ka faalloonaya oo udub dhexaad-koodu uu yahay nidaamka Hanti-wadaagga iyo Shuuciyadda uun.

Dhanka noloshiisa gaarka ah waxa uu markii ugu horraysay guursaday 1906-dii gabar Harqaanka dharka tosha, hal wiil markii ay u dhashayna TB ayay u dhimatay, waxana ay ahayd gabadha keliya ee uu sida buuxda qalbigiisa u siiyay, xataa markii ay dhimatay waxa uu yiri: " Riyooyinkaygii oo dhan iyada ayay la dhinteen"  geerideedi kadib dhawr biloodna wax dhaq-dhaqaaq ah ma uu samayn.

Xaaskiisii labaad ee Nadia waxa uu guursaday 1919-kii waxana ay ahayd 19 jir isaguna waxa uu ahaa 39 jir, laba carruur ahna way u dhashay, wada dhaqan-kooduna wuu wanaagsanaa balse maalmihii danbe ayay isyara qabsadeen .. 9-kii November 1932-kiina habeen ay xaflad casho ahi jirtay ayaa la arkay iyada oo qolkeedii isku dishay .. Markii dagaalkii labaad la gaarayna wiil uu dhalay ayay qabteen Naziga Jarmalku, waxana ay ka dalbadeen in uu Wiilkiisaas ku beddesho taliyeyaal sarsare oo Naziga laga hayay, balse wuu diiday isaga oo leh: "dhamaan dagaal-yahanada ciidanka-casi waa wiilashayda" qodob-kaasina waxa uu xoojiyay oo weyneeyay kaalintii uu Stalin ku lahaa laamaha ciidankiisii la oran jiray ciidanka-cas.

Ugu danbayntii waxa uu Joseph Stalin dhintay 5-tii March 1953-kii ka dib markii xaalkiisa caafimaad uu wixii ka danbeeyay 50-Maadkii marba hoos u sii dhacayay .. Sababta dhimashadiisana riwaayado badan oo dil iyo basba leh ayaa laga soo weriyaa

Gabagabo, Haddii aynu u fiirsanno dulucda sheekadan Stalin waxa uu Ruushka ka qaaday dhulka, meel korena wuu gaarsiiyay .. Maantana wali kaalintii ayuu haystaa Ruushku, balse waxa aynu mooganahay horumarkaasi in uu ka dul dhisan yahay ku dhowaad 60 Malyan oo nafood dhiigooda oo xaq darro lagu dilay .. huritaanka uu Ruushku u huray si uu u gaaro kaalintaasina waa in uu malaayiintaas qof dhiiggooda u sadqeeyay.