Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Riwaayadaha Siyaasadeed Maxaa La Kala Macaashaya .. Wax Walba Ka Yaab .. Ciyaar Xiiso Leh Baa Ka Bilaabatay Hargeysa .. Rag Waashay Abiy Axmed Iyo Farmaajo Aan Afti Shacbi Haysan Oo Hoos Wax Ka Unka

Sunday - Feb 16, 2020



Hargeysa- Tan iyo markii uu dhawaan Kornayl Muuse Biixi safarka kaga soo laabtay dalka Ethiopia waxa soo baxaayay Warar sheegaaya in Madaxweynha federaalka Soomaaliya uu booqasho ku imanaayo magaalada Hargeisa xarunta Somaliland, hasa ahaate Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay labadda dhinac ee Muqdisho iyo Hargeisa fadhigooddu yahay,

Laakiin ilo siyaasiyiin oo si dhaw ula socday Safarkii toddobaadkii hore ee Kornayl Muuse Biixi ku tagay dalka Ethiopia, waxay tibaaxayaan in Kornayl Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla soo hadal qaaddeen safar booqasho oo uu ku yimaaddo magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaanna arrintaas ka shaqaynaayay oo is fahamka Kornaylka Muuse iyo Madaxweyne Farmaajo ka shaqeeyay Ra'iisul wasaaraha dalka Ethiopia, iyaddoo uu ogollaaday Kornayl Muuse Biixi Cabdi innuu ka shaqeeyo siddii uu safar Hargaysa ugu iman lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, inkastoo uu codsadday in wakhti yar la siiyo si uu u diyaariyo hawlo badan oo u baahan in safarka hortii la dhammaystiro.

Kornayl Muuse Biixi Cabdi markii uu Hargaysa ku soo laabtay waxa uu bilaabay innuu kulamo uu la qaatay Shir-guddoonka Baarlamaanka ee Wakiillada iyo Guurtidda, kuwaasoo uu kala tashannaayay booqashadda Hargeisa ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, hase yeeshee Shir-guddoonka golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si cad uga hor yimid qorshaha uu watay Kornayl Muuse Biixi Cabdi, waxaannu Guddoomiyaha Guurtiddu uu sheegay inaanay suurto-gal ahayn in qunyar uun uu Hargaysa ka soo deggo Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Kornayl Muuse Biixi waxa isugu yeeray si uu latashi ula sameeyo odayaal iyo Xubno masuuliyiin ah oo ka soo jeedda beeshiisa, kuwaasoo ku taageeray qorshaha booqashadda ee Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shacabka Gobolada waqooyi oo war habqan ah si dadban ku soo gaaray ayaa ku timaamay in Kornayl Muuse Biixi Cabdi iyo halku nala galay uu isku dhiibay Madaxweyne Farmaajo, isla markaanna masuuliyaddii ummaddeed ee la saarray ayuu la ciir-ciirrayaa, waxaanna ka lumay jihaddii iyo habkii uu u maamuli lahaa Masuuliyadda saarran.