Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Mandheera Kenya .. Kenya Oo Ciidamo Gaashaaman Soo Dhoobtay Mandheera

Tuesday - March 3, 2020



Wararka aan ka heleyno Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dowladda Kenya saacadihii la soo dhaafay ay geeysay Ciidamo Tekniko wata oo aad u badan .. dawlada Kenya ayaa ciidamadaas geysay Aagaga Mandheera ee ku teedsan jiida Bala-Xaawo kadib markii shalay halkaas u ku fiday dagaal xoogan oo dhex maray Ciidamo ka tirsan dawlada Fedaraalka iyo kuwa Jubaland gaar ahaan kuwa taageersan Wasiirka Amniga Jubaland oo dhawaanta xabsiga mogdisho ka baxsaday .. Waxaa la sheegaya in wasiirka Amniga oo u weheliyo Madaxweyne ku xigaanka Jubland ay aaga forontada ku haystaan illa lix baabuur oo ku gaashaaman qoryaha daran-dooriga u dhaca.

Waxaa kalo la sheegay In ka badan 25 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland inay gudaha u galeen Saldhiga ku yaalla Magaalada Mandheera, kadib markii uu xoogeystay dagaalkii shalay, waxaa sidaas baahisay warbaahinta Kenya.

Sidoo kale Warbaahinta Kenya ayaa qoreysa in Ciidanka Kenya ay taagerayaan Ciidanka maamulka Jubbaland ee ku sugan duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana weli taagan xiisad u dhexeeysa Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay duleedka Balad-xaawo gaar ahaan meel u dhow Magaalada Mandheera ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana halkaas ku dhintay 5 Askari, halka ay ku dhaawacmeen 16 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah.