Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

ILa qosol .. Qosolka Wuxuu Ka Shaqeysiya Muruqyada Wajiga Oo Idil Iyo Muruqyada Jirka Qaybo Badan Oo Ka Mida

Monday - March 9, 2020



Akhristow waxa laga yaabaa in aad is waydiiso xiriirka ka dhaxayn kara qosolka iyo caafimaadka iyo sida qosolku u yahay mid dhalin kara ama qofka u horseedi kara faa’iidooyin caafimaad.
Qosolku wuxuu jirka Bani Aadamka u taraa faa’iidooyin badan oo aan la soo koobi karin, qoraallo iyo daraasado kala duwan oo laga sameeyay saameynta qosolku uu ku leyahay jirka bani’aadanku, waxay tilmaameen in qosolka uu qeyb weyn ka yahay daaweynta cudurro dhowr ah oo dadka ku dhaca kuwaasi oo la ogaaday in qosolku daawo u noqon karo ama u yahay-ba. 
Baaritaanadaas dartood waxaa soo baxay dhakhaatiir wadata takhasus la yiraahdo “Laughter Therapist”, waana takhasus ka sii farcama cudurrada psychology-ga.
------------------------------------------------------------

ILa Qosol ..  Nin Tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray Rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri: Magana Alle .. waxay ku yiraahdeen: Allah ha ina siiyo ..  markaasu yiri: Xataa jab muufo ah oo qalayl ah maad i-siisaan .. markaasay yiraahdeen: Ma haysano: markaasu yiri: Xooga har- haraa ahna maa i-siisaan ..  markaasay yiraahdeen: ma awoodi karno .
Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri: Hadaba galaas biyo ah i-siiya, Hase ahaate waxay ku yiraahdeen : Biyo nooma yaalan, Kolkaasu ku yiri: Waa maxay meesha aad fadhidaan, War ina mariya aan wada tuugsanee ileen idinkaa iga mudan in la Tuugsadee.
 --------------------------------------------------------------------------
Amakaab Iyo Yaab .. Oday ayaa caruur Dudun hoos harsanaya u yimid, maraaksuu ku yiri:  hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiis halna waa amakaag iyo argagax .. 
1- Dudun Aboor baa dhisay waa yaab 
2-Misana habeenkii buu dhisaa waa yaabka yaabkiis 
3- Hadana candhuuftiisa iyo ciid buu ku dhisaa waa amakaag iyo argagax.