Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ruux Waalan Weel Kuuma Biyeeyo .. Xog La Helay Oo Sheegeysa Waqtiga Uu Amiir Maxamed Bin Salman Kursiga Boqorka La Wareegi-doono

Tuesday - March 10, 2020


Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo dhowaan billaabay inuu xiro amiirada uu u arko inay halis ku yihiin, ayaa isku diyaarinaya inuu noqdo boqorka dalka, ka hor bisha November, markaasi oo magaalada Riyad lagu qabanayo shirka dalalka G20.

ILo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Middle East Eye u sheegay in Mohamed bin Salman uusan sugi-doonin inta aabihii boqor Salman uu ka geeriyoodo, sababta oo ah waxa uu rumeysan yahay in joogitaanka Aabihiis ay siinayso sharciyad.

Sidaas darteed, Bin Salman ayaa ku qasbi doona aabihiis, oo xusuusta sii luminaya balse sidiisa kale caafimaad qaba, inuu ka tanaasulo xukunka, kuna wareejiyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Tani waxay soo geba-gebeyn doontaa shaqadii uu Mohamed bin Salaan billaabay 2017 markii uu ina adeerkiisa ka weyn Mohamed bin Nayef si awood ah ugala wareegay jagada dhaxal-sugaha.

“Waxa uu doonayaa inuu xaqiijiyo inta aabihiis nool yahay inuu noqdo boqor,” ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyada laga soo xigtay xogtan.

Ka hor inta aan la xirin, Amiir Ahmed bin Abdulaziz, oo ah walaalka ka yar boqor Salman ayaa la siiyey fursaddii ugu dambeysay oo ahayd inuu kusoo biiro mashruuca Mohamed bin Salman, hase yeeshee waa uu diiday, kadibna la xiray.

“Ahmed waxaa la saaray cadaadis xooggan oo ah inuu taageero Bin Salman. Waxa uu la kulmay boqorka waxaana loo sheegay inuu taageero wiilkiisa,” ayuu yiri ilo-wareedka.

Ahmed waxa uu boqor Salman u sheegay in isaga shakhsiyan uusan dooneyn inuu boqor noqdo, balse uusan taageereyn Mohamed bin Salman.