Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Uun Allaw Toobada Badiya .. Naxariista Alle Awgeed Dambiga Lama Qorayo Muddo Lix Saacadood Si loo Toobad Keeno

Friday - March 13, 2020



Camalada Qofka ibnu aadamka ah, waxa qora labada Malag ee ilaahay u xilsaaray, kuwaasoo qoraya Khayrka iyo Sharkaba .. Malaga garabka Midig wuxuu qoraa Khayrka halka Malaga garabka bidixna uu qoro Sharka. 
Waxa jira xadiis Imaam Dabaraani soo saaray oo tilmaamaya in Malaga garabka bidixeed aanu qorayn danbiga illaa ay kasoo wareegto Lix saacadood si qofkii danbaabay u toobad keeno.

 Abi Umaama waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu ka soo wariyey rasuulkii ilaahay (scw) inuu yiri: Saaxiibka bidixda (Malaga) wuxuu qalinkiisa sare uga qaadayaa lix saacadood adoonka muslimka ee danbaabay ama gafay, hadii uu ka shalleeyo oo Ilaahay uu danbi dhaaf waydiisto wuu tuurayaa, hadii kalena waxa la qorayaa hal Danbi .. wuxuu ku yaala Mucjamka Wayn ee Dabaraani 7765  .. Ogow Xadiiskana waxa taxsiiniyey Albaani [Saxiixu Aljaamic: xadiiska lanbarkiisu yahay.

Sida xadiisku tilmaamayo adoonka muslimka ah Ilaahay wuxuu siinayaa fursad lix saacadood oo laga yaaba in saacadaheenan ay tahay si danbigii ama gafkii ka dhacay uu uga toobad keeno, waana mid ka mida naxariista Ilaahay ee balaadhan.