Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ku-Tiri-Ku-Teen Been Iyo Run La Daadiyo Kolba Dhan Isula Dilaanta .. Farmaajo Oo Ka Sii Socda Villa Somaliya .. Kheyre Oo Ubucdi Damaca U Qarsooneyd Banaanka Soo Dhigay

Saturday - March 14, 2020



Halkaan waxaan idin ku soo koobaya, Sawir guud oo aan ka baxsho ku-tiri ku-teen beryahaan dhex jibaaxeysa Mujtamaca Somalida oo Run iyo been waxay tahay-ba dib laga ogaan .. Wararkaas waxay tiraabayaan arimo isla yaab isla diid ah ee saaxada siyaasada bulshada somliya ku soo cusboonaaday oo la filaayo iney mar uun soo shaac baxaan .. koleyba Runta in yar baa sheegta oo Allaa naga og wixii jira .. Hadaba Xam-Xamata Golayaasha Siyaasada Lagu Hadal Haynta Badan-Yahay gaar ahaan Ayaamahaan Waxaa Ka Mida:

1- Waxaa la isla xaqiijiyey, oo dadku wargal ahaan is la dhacayaan in fikirki iyo ku tala galki la is lahaa waqtiga madaxweynaha ha la kordhiyo ay markaan socon-weyday amase Kaarkiiba u ku Rogmay Maxamed Farmaajo, taaso keentay in la taliyaashi Farmaajo ay waayeen aragti kale oo wax lagu kororsado dadkana lagu qancin-karo.

2-Waxaa bulshada dhex socda hadal hayen lagu tilmaamayo in madaxweyne Maxamed Farmaajo u si dhaba u ogaaday in dadka badankiis ka aqbali-karin inu mar labaad bulshada Somali ka soo hor mutuxnaado, oo haddu doorasho kale doonto la oran-doono: kan waa kaan ogeyne markaan ma Maskaxdi lagu ogaa baa inta laga saaray mid caadiya la galiyey mise mashin cusub baa lagu soo dambaray, waxayna taas sabab uga digeen dadka Somali waxaa isu qaban-waayey sheekadi iyo sumcadi laga faafiyey mudadi halganka kursi u dirirka maqal ahaan waxa ay ka haysteen iyo ila hadda lama hayo wax loo tiriyo oo u soo kordhiyey laga soo bilaabo ila iyo maalinti la doortay aan ka ahayen xiisad abuur iyo Qub iyo Qac joogta ah .. oo haddu soo laabto waxa kalo laga filayo waa maxay? ayey leeyihiin

Warka ku-tiri ku-teenta ayaa intaa ku daray in Maxamed Farmaajo kadib marku rog-rogay maskaxdiisa, balse ogaaday hadal haynta bulshada, waxaa u soo baxday inu inta goori goor tahay isaga haro caashaqa kursi u cararka sanadka 2021.. waxaa la odorasaya in bisha Nofamber ila inta u dhaxeysa Bisha December 2020, gabi ahaanba xilka madax-tinimada u si kumeel gaara ugu wareejin-doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka, oo maba sugaayo ayaa la leeyahay waqtiga doorasho dhaceyso.

ILo si gaara uga warqaba xaalka Maxamed Farmaajo waxay ku sheekeynayaan in xil-wareejintaas la shaacin-doona xili diyaarada u raacay ay hawada ku jirto .. lamase yaqaano halka safarkiisa ku jaheysan-yahay laakiin Run iyo been ku-tiri ku-teentu waxay sheegeysa inu Mareykanka ku laaban-doono oo weli waxaa la qaba inu haysto baasaboorkiisi Mareykanka .. kuwa kale ayaa leh Turkiya ayuu dhufeys ka dhigan-doona. 

2- Ku-tiri-Ku-teenta waxay warkeeda raacineysa in Xasan Kheyre iyo Fahad Yaasin horay ay u ogaayeen go'aanka Farmaajo iyo inusan mar labaad u baratameyn kursiga lagu hardamaayo .. Farmaajo oo caado u ah inu balaayo aan la aqoon beerka soo gashado wuxuu door biday in Xasan Kheyre is sharaxaadiisa u la garab-galidoono si u Somali inteeda badan Daro ku qabto, oo si gaara Axmad Madobe iyo Deni, Cunaha Dig ka siiyo balse Dacas ka dhigo .. Reer Galmudug Dabar ku qabto, isla markaana Darbad la helo Mucaradka Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh .. Saas ayey isla Qaateen baa la leeyahay

Ku-Tiri Ku-Teenta Run Iyo Been midkey noqtaba .. Xasan kheyre oo Madaxweyne inu noqdo xuuxda ku haya ayaa is yiri laguma dhaame dhaqaaq oo dhoola-tuskiisa sharaxaad hal sano ka hor isu diyaariyey oo illa hadda hawlgalkiisa Is-Wanaajinta, Beer-laxaawsiga hadalada wacan, sawir aan loo aqoon hadba isu yeela iyo isago gudbinaaya fikrado balanqaad oo leh; Walaahi Thuma Walaahi haddi la ii doorto dambarkeeda iska daa Somaliland aan soo xareeyee ee xita itoobiya iyo kenya Danbas iyo Buuri daanka la dhigtaan ka dhigan, sido kale heerka dhaqaalaha aan gaarsiiyo dalka xitaa Mreykan Deyn beynu siin ayuu taagerayaashiisa ku dhahaa. 

Dhinaca kale waxaa maal-mahaan Khyre lala hortaagan-yahay mashaxarad lagu harqinaayo oo gudo iyo dibad Maqalka dhagihiisa ku dhacaya ee cinwaanka looga dhigay: Kheyrow, Madaalow Jaceylka maanta lagu qabo Madaxweyne baan ku hayna .. laakiin saadaasha ku-tiri ku teenta waxaa la sheegaya in orodka sharaxaadisa ay noqon-karto: Awguul Yaa Nasiib ee aan eegno waxa u la yimaado bilaha soo socda .. Koleyba Kheyre Run iyo been key tahayba waxaa lagu xanta Been aan xad lahayen iyo Dhac xita Aan Maal Rasuul bixineyn

3- Sheekada xaga Doorashada soo socta sida la qabo, xaalada iyo duruufaha taagan awgeed waxaa khasab ah iney ku saleysnaan-doonto 4.5 oo qabiil kasta qaybtisi tiro hore u lahaa ayuu la harsanaya, hasa-ahaate sida la hadal hayo qaabka doorashada waxbaa iska badali-doona, oo koleyba sidi hore wax looma dooranaayo.

 4- Warkaan waxaan ku soo xaydaamay oo aan kaga baxaya .. Madaxweynaha soo socda sida ku-tiri ku-teenta sheegeyso markaan waa toogada Hawiye gaar ahaan beesha Abgaal oo si guud aragti ahaan raali looga wada yahay .. shakhsiga ku soo boodaaya illa hadda afka laguma dhufan-karo .. oo ilaah baa garanaaya .. Dhinaca kale waxaa warka loo badinaya in Riisal wasaaraha u ka iimaan-doono Xaga beelaha  Hartida midkood Amase shakhsi Tanade-Lelease ku abtirsada .

Hadal Sii Deh Baa Dishay .. Waxaa la yiri: Qofkan Quus Aqoon, Naftiisa Baa Quus Ah .. Shirka Muccardka ee ka dhacay Turkiga waxuu la mid yahay waa sida la leeyahaye waa Dayax dhacay oo micnaha yahay Dayax dhacay Nuur ma laga sugaa.