Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa Sidi Ninki Khamaar-walaha Ee Yiri: Wada Hadalba Haadkaa Baa Ka Haray .. Garoowe Oo Doc-Kasta Ka Duqeysay Dab Iyo Ololna Ku Sii Deysay Fedaraalka

Tuesday - March 17, 2020




Shirweynihi Wada-tashiga oo maanta soo gabagaboobay ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ugu muhumsan in la qaadacay sharcigi doorashooyinka heer Fedaral oo ay ansaxiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya uuna saxiixay Madaxweyne Farmaajo, kaasi Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Qawaaniinta iyo Dastuurka dalka, isla markaana dalka ku celinaaya 4.5 ee saami qaybsiga Beelaha

Shirweynaha ayaa sido kale soo jeediyey in la adkeeyo midnimadda iyo wada-jirka Soomaaliya, iyaddoo loo marayo nidaamka Federaalka .. Madasha shirka ayaa sidoo kale ku baaqday in dib loo dhigo hanaanka dhameystirka dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya, maadaama habka hadda loo waddo aanan loo dhameyn, sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay shirka ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana u awood-sheeganeyso maamulada, ayna caburineyso siyaasiyiinta kasoo horjeeda .. Sidda ku xusan war-murtiyeedka , shirku wuxuu cambaareeyay faragelinta ciidan ee ka dhacday doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo si lamid ah tan ka ku socota Gedo.

Qodob kale oo War-murtiyeedka muhiimka noqonkara ayaa isagana ah mid lagu go’aamiyay in Xukuumadda Puntland oo ka wakil ah shacabkeeda, ay qaadan karto go’aan kasta oo la gud-boonaada, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo baal-marista Nidaamkii dowladnimo ee lagu heshiiyay.