Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 29 March 2020

Tafaraaruqii Hore Tanina Ma Noo Raacday .. Raiisal Wasaare Kheyre Oo Safarkiisa Itoobiya U Tagay Sidi Loo Joojin-lahaa Duulimaadyada Itoobiya Ee Taga Hargeysa Iyo Garoowe

Wednesday - March 18, 2020


War si gaara loo helay ayaa sheegaya in safarka Raiisal Wasaare Kheyre u ku tagay itoobiya ay muhimada kowaad tahay in Duulimaadka Air-lines-ka Itoobiya laga joojiyo Hargeysa iyo Garoowe .. horay R/W Kheyre ayaa ku dhawaaqay in Somaliya laga mamnuucay duulimaadyada Caalamiga ah cudurka Corna-virus awgeed.

Xukumada Fedaraalka wey ogeyd in amarkooda aan laga fulineyn Hargeysa iyo Garoowe, sidaa awgeed si looga dhigo in amarkooda uu dalkoo dhan ka hirgalay, waxaa  Adis-Ababa u duulay Kheyre si uu ula soo hadlo R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo ujeedo sidi loo joojin-lahaa duulimaadyada Diyaaradaha itoobiya ee taga Hargeysa iyo Garoowe.

Warka xogtiisa la helay ayaa sido kale tilmaamaya in Kheyre u ku haminaayo in dalka oo dhan u ku soo rogo xuku deg deg ah oo looga dan leeyahay arimo siyaasad oo loo xariirinaayo xeelado qaab dib loogu dhigo doorashada soo socota iyo ujeedada oo ah in la sameeyo waqti kordhis