Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Aduunki Tala Ku Cadaatay .. Masaajidada Ugu Waaweyn Caalamka Oo Aan Lagu Tukan Cabsi Cudurka Corona

Friday - March 20, 2020



Waxaa maanta oo jimceahayed qaar ka mid ah Masaajidada waaweyn ee dunida aan laga tukaneyn salaadda jimcaha si looga hortaggo cudurka Corona .. Masaajidka ugu weyn Kenya ee jaamica ayaa dhawaan shaaciyay in salaadda jimcaha aan laga ogeyn halkaas.

Dalka Sucuudiga wuxuu hakiyay saaladihii lagu tukan jiray Xarameynka iyadoo maantana aan halkaas lagu tukan jimcihi .. Dhanka kale culimada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in Masaajidda aan la xireyn isla markaana haatan aysan jirin sabab loo xiro tan iyo inta xaaladda ay wax iska baddaleyso, Balse waxay soo saareen tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka oo ay ka mid yihiin in la xiro musqulaha iyo goobaha weysa qaadka.

Waxaa saaladda Jimcaha si caadi ah looga tukanaya masaajidda ku yaalla Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Somaliland, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay culimada ka soo saartay arrintaas.