Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Somaliya Xag ILaahay Oo Ay Ku Nabad Gasho Mooyee Iyadu Mid Tashata Ma Aha .. Dawlada Fedaraalka Oo Hubsiimo La'aan Faraha La Gashay Khilaafka Masar Iyo Itoobiya

Monday - March 23, 2020



Sida la ogyahay shirki wadamada carabta waxaa ks soo baxay qaraar war-murtiyeed lagu cambareeynayo Dawlada Itoobiya oo ku saabsan xiisada Wabiga Nile ee Masar iyo Itoobiya isku haystaan .. Qaraarkaan wadamada saxiixay waxay si toosa ula safanayaan Masar.

Dawlada Fedaraalka Somaliya wey saxiixday qaraarkaan, waxaase arintaa ka carootay oo ka war helay dawlada Itoobiya, waana mida keentay in Riisal Wasaare Kheyre uu ku tagay Adis-Ababa todobaadki tagay .. waxaa xusid mudan dawlada iimaaraadka iyo Suudaan wey ka aamuseen qaraarka shirkaan weyna ka gaabsadeen iney saxiixaan.

Laakiin amuurta la yaabka leh ayaa noqotay in wasiirka arimaha dibada itoobiya Mr. Gedu Andargachew oo mar u waramay Saxaafada ayaa Yiri: Somaliya wey saxiixeen War-Murtiyeedki shirki Carabta, laakiin anaga waxay si gaara noogu sheegeen in saxiixu qalad ahaa oo ay ka wadeen in arinta Masar iyo Itoobiya ay tahay khatar u baahan in wada hadal lagu dhameeyo, laakiin lama sheegin in itoobiyaanka warkaas ku qanceen iyo in kale

Dawlada Masar oo ah wadan ay xiriir dheer la leeyihiin somaliya weli kama aysan hadal warka Riisal Wasaare Kheyre uu madaxda itoobiya u sheegay

Waxaa la odorosaya in xukumadaan hadda jirta ee Farmaajo iyo Kheyre xukuumada badali-doonta ay dhaxli-doonto oo xafiiska ugu iimaaneysa iyado Dibada iyo gudaha dacalada la isku dhagan-yahay, wax sido kale jira khilaaf maamul goboleed iyo Maamul goboleedyada qqarkood oo madaxweynayaal cusub dusha looga keenay oo qaarkood dhiig ku daatay iyo wadamadi dariska oo cadaawad lagu abuuray ..Waxaa hadda soo kordhay khilaf u dhaxeya Masar iyo itobiya oo dawlada fedaraalka faraha la gashay.

Arimaha ay xukumada Fedaraalka siyaasad ahaan dhex dabaalaneyso waxay u dhigantaa maaweelo caruureed dab ku ciyaareysa, isla markaana ku tilmaameen arintaan jaahilnimo siyaasadeed tii ugu horeysay oo somaliya soo marta.