Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Trump Dayax Madoobaad Baa U Dhacay Oo Waa Ka Cadahay .. Trump-ki Cidla Ka Weerarka Ku Yiri: The Coronavirus Is Democratis "New Hox" Oo Iminka Saameeysay Doorashadiisa Mar Labaad

Tuesday - March 24, 2020



Xaalada taageero shacbi ee Madaxweyne Trump ayaa maalin-ba maalinta ka dambeysa si xumaaneysa, oo waxaa la odorosaya in doorashada soo socota ay si wacan u dhigan-doonto, waxaana laga deyrinaya ku soo noqoshadiisa mar labaad doorashada soo socota oo la qiyaasayo inu khasaaro awgeed darbi madaxa la dhci-doono, waxaana sabab u ah oo lagu eedeynaya inu si maamul xun uga gaabsaday ka hortaga cudurka Coronavairuska ee sida xawliga ugu faafaya cariga Mareykanka.

Biishi Jenwery ee la soo dhaafay ayaa sirdoonka Mareykanka waxay qoraal u gudbiyeen Madaxweyne Trump oo ay ku war-galiyeen in cudurka Coronovirus u si xun u walaaqayo dalka Shiinaha oo laga yaabo inu ka dilo Malaayiin dadka Shinaha ah, waxaana laga yaaba ayey yiraahdeen in cudurkaas u ku soo faafo dalka Mareykamka oo halkaas dhib weyn ka yimaado, sidaa daraadeedna ay ku taliyeen in inti waqti la haysto lagu dadaalo sidi looga tabaabushan-lahaa Aafadaas

Madaxweyne Trump oo sidiisaba ah nin ku jira is difaac iyo keep la yuurar iyo saan jeclahay ii yeela oo leh dhaqan guulwadynta wax lagu meeleeyo, ayaa warbixintaas si saluug leh u akhriyey, waxaana la sheegay inu galki warqadaas ku jirtay si aan waabasho lahayen u gabi ahaanba dhulka ku tuuray isagoo leh: Waa dagaal siyaasadeed aan dhamaad lahayen oo Dimuqrad markaan ka badiyey dheeshi durbaan kale garaacaya, waxaan hadda arkaa ayuu yiri ruux la wanjalaayo iyo sirqol hor leh oo ay soo maleegeen xisbigaas oo ujeedaddo tahay iney aniga sharafteyda dhaawacaan .. waxaa laygu galaya waa guusha doorashada soo socota yuusan helin, waxuu hadlkiisi raaciyey oo yiri:  horta dimuqaraadiyow Ma leedihiin awood aad ku ciyaartaan geemka doorashada soo socota.

Kadib marki cudurki Corona-viruska la cadeeyey inu ka bilaamay magalada Washiton, ayaa Trump oo marba marka ka dambeysa si afar qaadaya ka hawl-yareystay wax qabadka cudurkaas oo yiri: been baa la hurgufaya oo xaaladu waa sugantahay mana jiraan wax khatara, balse amuurta gacan ayaan ku haynaa , laakiin Takhaatiirti iyo khubaradi ku takhasuustay Jirooyinkaas ayaa daboolka ka qaaday in cudurki u ku si faafayo dalka Mareykanka oo loo baaahanyahay in la hawlgalo, hasa-yeeshe madaxweyne Trump oo lagu yaqaan faanka hoosta ka qalalan ayaa baaqaas si fudud uga jawaabay, isla markaa amar ku bixiyey in dalka laga mamnuuco dadka Shiinaha oo aysan soo galaan Ameerika, laakiin kuma darin baaqaas in Mawaadininta Mareykanka u socdaaleysa China la joojiyo.

Shacabka Ameerika oo aad moodo in la damqay, ayaa ka walwalsan xaalada cudurka oogan oo markaan durbaba si weyn u dhalilay talaabooyinka u ka qaaday Trump ka hortaga cudurkaas waxaana si guud iyo shacabka Ameerika oo dhan ku eedeynayaan inu xuduudi ka talaabay, balse aragtida ka aradan oo u yahay madaxweyne Doqon ah oo aysan habooneyn majaraha habaabay awgeed in markale loo doorto madaxweyne Ameerika