Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Heer Baa La Gaara Aan La Kala Aqoon Kan La Amro Iyo Kan Wax Amra .. Waa Sheeko Aad Ku Baraneyso Astaamaha Guusha Keena

Saturday - March 28, 2020


Shirkad Jabaan Ah Iyo Shirkad Mareykan ah ayaa ku heshiiyey in ay ku tartamaan Laba Huuri " Doomo yar-yar" oo la dhex marinaayo Webi .. Shirkad waliba Koox ayey dhinaceeda u soo xushay tartanki oo halkaas tababar weyn ku siiyeen inta aan tartanka bilaaban.

Tartanki Doonta ayaa bilaabmay waxaana si heer sare ah ku badisay kooxdi ka socotay Shirkadi Jabaanka .. Shirkadi Mareykanka ahayed aad bay uga xumaatay khasaaraha ku dhacay kooxdeedi iyo waliba magaci shirkada, waxayna go'aansatay in baaritaan culus lagu sameeyo sababta looga badiyey.

Shirkadi waxay saartay guddi ka kooban maamulka sare ee shirkada .. guddigi markay baaritaanki dhameysay warbixin ayey soo gudbiyeen .. Warbixinta waxay ku muujiyeen: in Huurigi Jabaanka iyo Huurigi Mareykanka Laba Hab oo kala duwan loo waday .. Waxay yiraahdeen: Huuriga Jabaanka Sideed nin ayaa wadey hasa yeeshe Mid ka mida ayaa hogaanka u waday oo inta kale kalsooni awgeed amarka hogaamiyaahas ayey si dhaba u qaadanayeen .. halka kan Huuriga Mareykanka waxaa iyagana sido kale ku joogay Sideed Wade oo mid walba oo ka mida hogaamiye u han-weynaa oo dhinicisa wax ka amraayey illa sumada hogaamiye la garan-waayey ..  waana mida kentay in khasaaro ku dhacdo kooxddi Mareykanka ayey baaristoodi ku soo gabagabeeyeen