Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Veyriski Wuxuu Ku Socda Xawaare Ka Dheereeya Orodka Diyaaradaha Dagaalka Ee Hawada Isku Laba Roga .. Caalamka Waa Sii Kala Xirmaya .. La Isma Salaamo .. La Isma Booqdo ..Qofka Dhinta Waa La Guba

Sunday - March 29, 2020



Cudur ILaaha Ha Naga Haye .. Dhamaan dawladaha caalamku qaarad-kasta ay ku yaalaan-ba, waxay dagaal weyn ugu jiraan oo aan kala go' lahayn Sidii ay u joojin lahaayeen cudurka meeraaya ee magaciisu Yahay Corona-Virus .. Xanuun-kaas oo ka soo bilaabmay dalka Shiinaha, ka dib markii ay cuneen Masas-ka aadka u khatarta ah, ee Afka Ingirii-siga ah loo yaqaano ( Poisonous Python Snakes), Ee ay Sun-toodu aadka u xun tahay, bishii December ee sanadkii ina dhaafay 2019-kii. 

Cudurkaan halka uu ka dhashay isla markiiba wuxuu sameeyey xawaare ka dheeraaya, orodka diyaaradaha dagaalka ee hawadda isku laba roga, waa cudur si dhakhso ah ugu fidaya dunidda dhamaan-teed .. Mudo afar bilood oo keli ah ku siman meel kaste-ba wuu gaaray, dilaana ah oo Kumanaan qof si deg-deg ah u sahayday, kuwaas oo kala jooga daafaha dunidan aynu ku kor joono.

Bani'aadamka Aduunka ku nool marka loo qaybiyo afar meelood, saddex meelood oo ka mid ahi iyana guryaha bay ku xaraysan yihiin, lagu yirina ha ka soo bixina ee jooga guryi-hiina .. Maamuladda aduunka ka jiraa iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ( UN-ta), qayb-teedda la yiraaho (WHO) ee caafimaadka Aduunka u qaabilsani, wixii ay lacag haysteen ama u yaalay ee kaydka u ahaa, waxa lagu kharash-gareeyey siddii loogu heli lahaa Dawo .. Xauunkan isaga ah oo aan ilaa hadda la helin daawadiisa. 

Dhaqaalihii caalamku gebi ahaan-ba hoos buu u dhacay .. Diyaaradihii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha ahaaba Dal kastaa wuu joojiyey .. Basaskii, Tareenaddii, Tagaasiddii iyana meel baa la iska dhigay si aanay cidi u raacin ..Xitaa Masaajidaddii, Hoteeladi, Makhaayadihi iyo meelihii la isugu iman jirey, kuligood albaabka baa loo xiray si loo yareeyo in la kala qaado .. wax kastaa way is taageen, la isma salaamo, inta ugu yar ee aad qof u jirsan kartaa waa laba Mitir, wax walba waa la xadiday, ka xanuun-saddda lama soo booqdo, qofka ku dhinta 99% waa la gubayaa, diin kaste oo uu haystaba. halkaas buu xaal ka marayaa aduunka.
 
In kastoo ilaa hadda wax walba la isku deyey, misna wuu sii kordhayaa xanuunku, geeri-duna way sii badanaysaa, caalam-kuna wuu sii kala xir-mayaa, waa cudur ilaa hadda aan faro lagu hayan, dawo lagu joojiyo iyo farsamo toona lagu xayiro-ba, laakiin si aan xad lahayn loola dagaala-maayo, siddii loo soo af jari lahaa, ha-yeeshee weli laguma guulaysan arin-taas iyadda ah, si kaste oo wax la isugu dayo-ba, fara-huu ka sii baxayaa, 

Dadkii way qaasan yihin, oo waxay ka wal-walsan yihiin in uu beri noolaan doono ama qaadi doono xanuunka iyo in kale. aduunka inta la ogaaday in ay qaadeen mooyaane, in tii kale-na  waa ay is karan-tiimeeyaan, qof-na-qof ma salaami karo, umana dhawaan karo, oo waa la kala irdhoobay. wax xal ah oo la isku hor taago-na, ilaa waqtigaan aan qoraayo maqaalkan lama hayo,