Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qaybti 1-Aad .. Akhbaarti Zamanki Hore .. Abuuristay Nabi Adam CSW

Saturday - April 25, 2020



Alaha Subxaana Wa-Tacaala kadib marku horay u Abuuray Qalinka iyo Loox Maxfuudka, Koonka iyo Umadihi horeyba, intaa kadib wuxuu Alle doonay inu Koonka ku abuuro Aadane .. Alle Malakul-Maut oo ah Israafil ayuu Samada ka soo diray kuna yiri dhulka iiga keen Carro si Nabi Adam loo sameeyo ..  Malagiina sidii ayuu sameeyey.

ILaah Nabi Adam ayuu abuuray waxuuna ku dhax abuuray Janada, waxaana Nabiga laga sameeyey ciid mideb-keedu kala duwan-yahay .. Nabi Adam Afartan habeen ayuu dhoobo ahaa iyadoo Afartan cisha kadib ayaa Alle Naf ku afuufay Nabi Adam , waxayna Ruuxdu ka gashay qaarka hore, Isla markii nafta la gashay wuu hindhisay ILaahna waa  u duceeyey .. Nabi Adam cunitaan ayuu ku bilaabay Mirihii Janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd ka ah.

Sideedaba Janada waxaa ku noolaan-jirey Malaa’ikta iyo ibliis oo qof wanaagsan ahaa markaas .. Intaas kadib markii Nabi Adam la abuur dhammeeyey, ILaah wuxuu amrey Malaa’iktii iyo ibliis in ay u sujuudaan Nabi Adam .. Malaa’ktii wey u sujudeen Nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu u sujuudo oo waa diiday amarka Eebe .. Ibliis isagoo is kibrinaya wuxuu yiri uma sujudayo qof laga sammeyey Carro maxaa yeeley Ani waxaa la iga sammeeyey Naar ama Holac .. Ibliis maalinba maalinta ka danbeyso naceeb ayuu u qaaday iyo cuqdad asag oo la yaaban ujeedad lo abuuray Nabi Adam CS .. Markii ibliis diidey Alle amarkiisa Janada ayaa laga ceyriyey oo Naxariis iyo Raxmad Ebe laga fogeeyey .. Dambigaas oo ahaa dambigii ugu  weynaa oo ILaah laga galo.

Nabi Adam wuxuu Janada iska dhex joogaba, wuxuu dareemay kelinimo iyo cidla .. ILaah wuxuu u abuuray Xaawo oo laga abuuray Nabi Adam feertiisa si ay wehel iyo xaasba ugu noqoto. ILaah sareeya wuxuu ku yiri Adam iyo Xaawo dega Janad dhaxdeeda waxaa doontaan cuna illaa geed gaara laga xarrimay mooyee.  

Ibliis markii Janada laga cayriyey kuma harin intaas kamana quusan ee wuxuu isku dayi-jiray maalin kasta sidii uu Nabi Adam iyo Xaawo uga saari-lahaa Janada. laakiin Albaab kasta oo Janada Malaa’ikta ayaa waardiyo ka aheyd si ibliis Janada uusan u gelin .. Ibliiis maalin-kasta wuxuu u tagi-jiray Xayawanada oo waa Af garan jiray wuxuuna ku dhihi jiray janada i-geliya 

Maalin Maalmaha ka mid ah waxaa ibliis ku soo qaday ilkaha Abeyso soona galisay Janada. Meeshaas wuxuu ka helay fursad, isla markiina wuxuu ku deg-degey sidii uu Nabi Adam u was-waasin lahaa ugana saari lahaa Janada .. Ibliis wuxuu kula taliyey Nabi Adam in uu cuno geedkii Alle ka xarrimay, laakiin Nabi Adam marki hore wuu ka diiday waxii ibliis u soo bandhigay iyo in uu ku caasiyo Rabigiis .. Ibliis wuu ka quustay Nabi Adam kuman guuleysan inu cunsiiyo Geedkii, laakiin ibliis wuxuu u laabtay xaga Xaawo kuna waaniyey in ay cunto Geedka. Ibliis wuxuu ku yiri Xaawo iyo Aadam waxaa Geedka la idin ka reebay ineydan noqon labo Malak oo waara.

Xaawo waxay meer-meertaba Geedkii ayey goosatay kadibna cuntey madaama ibliis si fiican ugu sharaxay macaankiisa .. Xaawo markey cuntey Geedkii waxey ku khasabtay iney cunsiiso Nabi Adam, laakin wuu ka diidey in uu caasiyo ilaah. Xaawo waxay ku Tiri Nabi Adam ima soo gashid illaa aad soo cuntid Geedka ee agteydana ka fogow .. Nabi Adam murugo ayuu dareemey markey Xaawo la hadli-diidey taasine waxey ku khasabtay in uu cuno Geedkii ilaah ka xarimay .. Intaas kadib kashif ay dhacaday oo Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen ilaah,  Xaawo iyo Adam Janada ayaa laga soo saarey maadama ay caasiyeen ilaahay .. illaah wuxuu ku yiri Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka Nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.

Kadib Xaawo iyo Adam waxaa laga soo kala tuuray Maka iyo India, Xaawo Jida ayaa laga tuuray nabi Adamna india .. Nabi Adam Xaawo muddo dheer ayuu raadiyey kadibna ILaah ayaa ugu dambeyn is haleeshiyey dabadeed iyago wada socda waxey aadeen xagaa iyo Maka, Halkaas Adam iyo  Xaawo Nonol ayey ka bilaabeen  iyo sidii ay ugu dhaqmi-lahayeen dhulka korkiisa. 

Xaawo waxey  dhashey Afartan caruur oo mataano wada ah, waxeyna uureysatay tiro 20 jeer. Waxaa kamid ahaa caruurta laba wiil oo la kale dhaho Qaabil iyo Haabil. Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu Nabi Adam u guuriyo Mataanka hore Mataanta dambe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo Mataana ah is guursadaan.
Qaabil  wuxuu diidey in uu gursado Gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna yiri waxaa kaliya oon guursan-kara Mataanteyda, laakiin Gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qaabil wuxuu ku caasiyey ilaah iyo Aabihiis Nabi Adam CS. illaah wuxuu amrey Qaabil iyo Haabil in ay Sadaqo ku kala baxaan oo qofkii la aqbalo Sadaqadiisa ayaana guursan Gabadha. 

Habil wuxuu ahaa qof wanaagsan wuxuuna Sadaqeystey wixii ugu wanaagsanaa xoolihiisa madaama uu ahaa Nin Xoolaaley ah, laakin Qaabil oo ahaa Nin Beeraaley ah wuxuu bixiyey wixii ugu xumaa Beertiisa .. iLaah wuxuu aqbalay Sadaqdii Haabil madaama uu ahaa qof kheyr qaba. Qaabil intaas kadib wuu xanaaqey oo Sheydaan ayaana ka qaalib noqday wuxuuna go’aan ku qaatey in uu dilo walaalkiis Haabil, kadibna dhagax ayuu ku diley .. Meeshaas Qaabil dambi weyn ayuu xambaarey, qofk kasta oo maanta la dilo Qaabil dambiga qofkaas bar ayuu ku leeyahay, maxaa yeeley wuxuu ahaa Qaabil qofkii qof dilo ugu horeeyey Aduunka .. Nabi Adam wuxuu  noolaa kun sano,  kun sano kadibne ilaah ayaa oofosaday .. Nabi Adam CS  Malaa’ikta ayaa dhaqdey oo kafantey.