Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaybti 3-Aad .. Akbaarti Zamanki Hore .. Habeenki Dheelmitaanka Nabi Maxamed CSW Oo Soo Arkay Laba Magaalo Khalqi Ku Noolyihiin ILaah Nuur Dul Dhigay Kana Baxsan Dunideena Oo Ku Kala Yaal Mashriq Iyo

Monday - April 27, 2020


Taariikhdu Waa Akhbar Iyo Taxane Soo Yiilay .. Waxaa jira Xadiis laga soo wariyey Nabigeeni Maxamed CSW oo sheegaya in Habeenki Isra-Wal- Micraaj ee dhabada Samada jeexay amase la dheelmiyey Nabi Maxamed CSW u soo arkay Laba Magaalo ifeysa ee Alle khalqay oo ka baxsan dunida aan ku noolnahay oo midna ay ku taalo dhinaca Mashriq oo magaceeda lagu suntay "Jaablaqa" iyado Tan kalana ay ku Taal Jihada Maqrib magaceedana yahay "Jaabrada"  .. Arlada Magaalo-kasta dheerar-keeda iyo Balaceeda waa 300-000 KMsq .. Magaalo -kasta waxay leedahay Toban Kun Albaab ( Guri) .. Albaabadaas amase Guryahaas waxay Cabir masaafo ahaan isu jiran min hal kilo-mitir  "1-Km"

Ummadaas Alle halkaas ku abuuray hurdo ma yaqaanin oo ma seexdaan illa maalinta Qiyaame, waxayna jiritaanka noloshooda ahaaneysa Todobo Kun oo sano iyo wax ka yar .. Umadaas waa Makhluuq lafa waaweyn leh oo haddana xikmad badan, hasa yeeshe ma arkaan Qorax, Dayax, mana ay maqlin Nabi Aadam iyo ibliis sharkiisa mid-koodna, waxayse caabudaan Alle kaliya .. Umadaas waxay iftiin ka helaan Nuurka Carshiga Rabi.

Nabigeeni Caleyhi Salaatu Wa Salaam waxaa laga wariyey inu yiri: habeenki dhelmi-taankeyga waxaa Jibril CS ii soo mariyey magaalooyinkaas dunideena ka baxsan, dabadeed Umadaas waxaan ugu yeeray Gargaarka iyo Cibaadada Eebe Subxaana Waa Taacaala, oo si fican ayey ii ajiibeen iyo soo dhaweeyeen aan loo kala harin iyo wixii aan u sheegay oo yiraahdeen Rumeynay Rabow Rumeynay .. Halka Juuju Wama Juuju gacan haadinti Nabiga iyo isku daygi inu la hadlo ay ka jeesteen oo dhagaha ka fureysteen garna diideen.