Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qaybti 4-Aad .. Ku Xirnow Oo Ka Faaiideyso Bishaan Ramadaan Silsilada Akhbaarti Zamanki Hore Islaamka Dhagta Ka Fac-Dheer Ee Taxana Ah .. Qisadi "Canaaq Bint Aadam CS"

Monday - April 27, 2020



Culimada dhaabta ah ee gorfeeya Sayniska Taariikhda qirada weyn, gaar ahaan kuwa ka warama geedigi abuurista Aduunyada iyo waliba si gaar u qora qiisooyinki Anbiyada ee aan ka been sheegin Akhbaarti Zamanki hore, waxay sheegeen in Nabi Aadam CS u dhalay Awlaad tiro ahaan ka kooban 120 isugu jira Gabdho iyo Wiilal wada Mataana ah .. Awlaadaas intooda badan waa wada dhinteen kamana ay tagin wax Warasa ah aan ka ahayen Nabi Shiis oo mar dambe dhalashadiisa Aadam loo hibeeyey  .. Wixii Waraso ah oo illa maanta jira ee Reer Bani'aadam waxay ka farcameen Nabi Shiis CS oo Nabi Nuux isagu ka soo jeeda.

Wiilki Qaabiil ina Aadam oo ka mid ahaa Awlaadi u dhalay Nabi Aadam waxaa lagu tiriya inu ahaa Ninki ugu horeeyey dunida wax Caasiya waxna Dilay .. Qaabiil oo ahaa kii gawracay Walaalki Haabiil waxaa xaga Rabi laga dul saaray dambi kasta oo la galo in isagu kala bar danbigaas dhacay wax ku leeyahay.

Dhinaca kale sido kale Nabi Adaam Gabadhaha u dhalay waxaa ku jirtay Gabar la oran jiray "Canaaq Bint Aadam" oo iyadu kaligeed bey uurka hooyadeed ka soo baxday, halka kuwa kale ay Mataano ka ahaayeen .. Gabadhaas waa ilaahay Cilmigiise, waxay ahayd qof suuradeedu Shawahantay, balse waxay lahayed Laba Madax, halki gacana waxay ku lahayed Toban farood iyo Cidiyo u baxay sida mindida Beeraha lagu shafo.

Ibleys Quluubta Ma dego Hadaan Loo Yeeran Oo Laga Furi Albaabka ..  Waxaa la yiri Gabadha "Canaaq" waxay ahayd Gabadhi ugu horeysay ee Dunida dhabo weecsan qaaday isla markaana danbi ku falaaday oo la Shaqeysatay Sheydaamada arlada ku sameeyey fasaad iyo Fusuq .. Gabadha Canaaq Bintu Aadam Odaga Aabahaeed iyo Hooyadeed Xaawo wey dhibtay .. Nabi Aadam waxaa Alle u soo dhibay Magacyo sifaadka Alle ka mida oo la faray inu Xirsi xijaab ahaan u xiro Xaawo si ay uga nabad gasho Shayaadiinta, hasa ahaate Gabadheedi Canaaq ayaa si tuuganimo ah uga xaday xirsigi oo dabadeed Asmaadaas si caashaqa ula gashay Shayaadiinti, halkaasna danteedi uga adeegatay oo si wada jira iyada iyo sheydankiba u sameeyeyn Sixir ay ku fasaadiyeen dhashay Nabi Aadam oo markaas arlada ku faafsanaa.

Nabi Aadam marku dhabti iyo xiishood la'aanta ay gabadhiisa u soo tafa-xaydatay, marba marka ka dambeysa si afar qaadeysa, ayuu naftiisa u sheegay in xaalka gabadha wax la sii eegto aysan harin, sidaa daraadeed Gabadhi ayuu gantaalo Asraara Habaar balaayo ah ku riday oo Habar-dugaag ku casumay hilibkeeda, iyado Xaawana intaas aamiinta gureysay .. Codsigi oo Eebe ajiibay, waxaa Gabdhi Alle ku soo saladay Libaax laga careysiiyey sidi Kaare-Tangi u cartamaya oo markiiba hilb-keedi washaray oo inta ku birin- birqeeyey illa u Cad Cad ka dhigay.

Waxaa taariikhdu sheegeysa in gabadhaas ay Shaydaanadu ka dhaleen Nin lagu magacaabi jiray "Cawja Jabaar" .. Ninkaas oo lahaa lixaad xad dhaafa awoodna u lahaa inu Biyaha badaha dhex jibaaxo, wuxuu soo gaaray Waqtigi Duufaanti Nabi Nuux CS, wuxuuna doonay inu gadiyo Doonti Nuux, laakiin Alle ayaa ka indha-saabay . waxaa kalo la sheegaa inu soo gaaray waqtigi Fircoon iyo Nabi Muuse oo mar u damcay inu Dhagax weyn inta madax soo saartay damacsnaa inu ku habsiiyo Nabi Muuse, laakiin Eebe ayaa indha ka cawaray oo jihadi Muuse ka jiray garan-waayey, kadibna Nabigi ayaa Waxyi ahaan Alle ku yiri:  Muusaw kan ma nuux-nuuxsan-kare ee intaad boodo Usha la dhac oo dil markaasu deg deg ugu gacan qaaday oo halki intu neefsan-waayey goobti Mayd ku Noqday.. Cawaankaas meydkiisa oo ku dhacay Wabiiga Nail waxaa Jirkiisi oo bilqan laga dhigtay Brijka labada Daan ee wabigaas laysaga gudbo.