Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa Qaybti 6-Aad Ee Ku Xirnow Oo Ka Faaiideyso Bishaan Ramadaan Silsiladi Akhbaarti Zamanka Hore Ee Islaamka .. Haraadigi Doonti Nabi Nuux CS Oo La Helay

Thursday - April 30, 2020



Khubaro ku takhasusay culuumta Geology iyo Archaeology oo badankoodu dal ahaan ka soo jeeday China, Mareykan iyo Turki, ayaa waxay aaminsan yihiin in Doontii Nabi Nuux CS, booskeeda saxda ah hadda laga helay dalka Turkiga, kadib markii maalmo 100 Caalim ay isla falan-qeeyeen Alwaax caddeyn u noqon-kara in Doontaas ay tahay tii Nabi Nuux, isla markaana ku daboolan Qolof adag oo iskugu jira Baraf iyo haraadi Folkaano Buureed

Cilmi-baaryaashu waxay tilmaamayaan in ugu dambeyn Doonida laga helay gobol Buureedka Mount Ararat ee hadda ah bariga dalka Turkiga .. Haraadigaas ayaa laga helay meel 400 mitir ka sareysa heerka Bada ..  Culumadan oo marki dambe bayaan soo saaray ayaa sheegay: Waxaa dhici karta in haraadigani aanuu ahayn kii Doontii Nabi Nuux 100%. Laakiin waxaa aaminsanhay in suurtagalku uu yahay 99.9% inu yahay qayb ka mid ah haraadiga doontaas.

Dhinaca kale Cilmi-baaraha Mareykan ah ee la yiraahdo Professor Paul Esprante oo ka mid ah 100 Caalim oo ka doodaayey dood cilmiyeed heer caalami ah oo 3 maalmood socotay lagagana hadlayay Buurta Mount Ararat iyo Doontii Nabi Nuux CS, waxayna isla falanqeynayeen caddeymaha halka ay ku caariday Doontaasi .. Khubarada ayaa ka sheekaystay Alwaaxdii caddeynta Doonta ah oo qaarkood oo 7-Sano ka hor laga helay agagaarka Buurtaa iyadoo Cilmi-baarayaasha qaar ay shaki ka muujinayaan arrintaas .. Jariidada Daily Express ayaa sheegtay in baaritaanadii lagu sameeyay burburka Doonida uu noqday da’diisu mid 4800 Sano  ka hor ahaa.