Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Qaybti 8-Aad .. Ku Xirnow Oo Ka Faaiideyso Silsiladi Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Qoomki Reer Caad Oo Awood Iyo Quwad Ku Adoonsaday Dunida Oo Eebe Marki Dambe Cadaab Indhaha U Saaray

Saturday - May 2, 2020



Reer Caad waxay daganaayeen deeganka Axqaaf oo u dhaxaysa Cumaan iyo Xadra-mootka Cadan .. Reer Caad waxay ka midyihiin Dadkii dunida ugu waaweynaa xaga Dherarka iyo Xoogaba, waxayna dhisan-jireen Guryo Tiirar dhaadheer leh.

Reer Caad waxay lahaayeen Sanamyo loo bixiyey SAD, SAMUUD iyo HIR. markay gaaloobeen kadib waxa Eebe Naxariistiisa u soo diray Nabi Hood oo ahaa walaalkood, waxaanu Amray sidii Nabiyada oo dhani farijireen Qoomkooda si ay Eebe kaligii u caabudaan kana tagaan Sanamyada ay gacma-hooda ku samaysteen .. Nabi Huud waxa uu faray inaanay Eebe cid kale lala wadaajin, Waxay ugu jawaabeen Huudoow waxaad tahay Beenaale waanad jirantahay waxaana ku asiibtay caradii ilaahyadayada Sanamyada.

Qoomkii Caad way kibreen oo is-wayneeyeen moodeena inay yihiin Dawlada ugu Xoog weyn dunida waqtigaas ayaga oo ilaaway in Eebihii Abuuray ka Xoog wayn yahay .. Nabi Huud waxa uu Xasuusiyey Nimcooyinka Eebe ku manaystay ee u sahlay inay Dhistaan Qasriyo iyo Guryo aan baahi u haynin sidi ayaga aad moodid inay aduunyada ku waarayaaan.

Kibirkoodu waxa uu gaarsiiyey inay cid-kasta oo ka awood yar u awood sheegtaan sida iminka ka dhacaysa dunida .. Dawladaha xooga leh kuwa ka awooda yar ayey ku itaalsadaan waxayna ilaaween Eebihii abuuray inuu ka xoogwayn yahay.

Kadib markii Nabi Huud ka quustay waxa uu Baryey Eebe oo yiri “illaahoow ii gargaar”  Waxana Eebe ku jawaabay  "Dhowaan Ayey Ka Shallaynayaan" .. Laakiin Qoomkii Caad waanadii waxba kumay qaadan manaysan rumayn Maalinta Qayaamaha balse waxayba dhaheen waxaa kala fog Aduunyada iyo in laysa soo saaro.

Muddo kadib waxa ku dhacday caradii Eebe oo waxa indhaha loo saaray Abaar kulul oo Roob la’aan ah, oo soconaysay muddo Saddex sanadood ah, waxaa guray Wabiyadii, Cuntadiina way yaraatay, Gaajo iyo baahidiina way badatay waxaana asiibay ciqqabkii Eebe.

Abaartii markay hayn kari waayeen ayey baryeen Sanam-yadoodii ayaga oo waydiiisanaya Roob iyo Biyo. Kadib waxay maqleen Dhawaaq iyo Cod xaga sare oo leh kala doortaa daruuraha ..Daruurahaas oo midab-yadoodu kala duwanyihiin mid waa Cadaan, midna waa Casaan/guduud, ta kalena waa Madow .. Waxay markiiba doorteen Daruurta Madow ayagoo islahaa way biyo badantahay. Kadib way farxeen oo is-dhaheen ilaahydii – Sanamyada ayaa idinka Ajiibtay Ducadii laakiin Mushkiladi way danbaysay!

Kadib Markay arkeen in Roobkani wato dabaylo iyo dhaxan daran ayey ku yaaceeen Guryahoodii, waa Dabaylo iyo Duufaano aan cidnaba reebayn taas oo kala jaraysay Madaxa Qofka iyo jirikiisa inta kale.

Eebe  waxa uu adeegsaday mid ka mid ah ciidamadiisa “Dabayl” Duufaan iyo Dhaxan waxayna afganbisay Reer Caad. Guryahoodii iyo Qasriyadii waa la tirtiray. Xoogii ay sheegan-jireen mee, waxa ciqaabay Eebe oo ka xoog-wayn .. Markii Amarkii Eebe yimi waxa Eebe u bad-baadiyey Nabi Huud iyo intii rumaysana waxaanu ka dhigay kuwii baaqiga ah.

Taasi waa masiirka cid-kasta oo amarka Eebe diida, dafirta ama ka caga jiida .. Reer Caad waxay ku caan-baxeen Awood iyo Quwad ay ku adoonsadeen Dadka ka awooda yar sidoo kalena Nabigii Huud maysan maqlin ee way ka dhaga-furaysteen.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwa dariiqa toosan raaca oo dhagaha u leh Anbiyada iyo culumadeena Aamiin.