Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qaybti 9-Aad .. Ku Xirnow Oo Ku Taxanow Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Maxaad Kala Socota Kutubti Samaawiga Ee Allaha Koreeyey Ku Soo Dajiyey Rasuuladi Iyo Anbiyadi CSW?

Sunday - May 3, 2020



Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo wax-yooday Nebi Mohamed CSW waxaa jira tiro badan oo Nabiyo iyo Rasuul ah oo ILaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub, kutubtaas oo tiro guud ahaan la sheegay iney ahaayeen 104 Kitaab .. Nabi Shiith oo u dhalay Nabi Aadam waxaa lagu soo dajiyey 50 Saxiifadod ama Kitaaba dheh .. Sido kale Nabi Idriis CS waxaa isna lagu soo dajiyey 30 Saxiifadood .. Iyo Nabi Ibrahim CS oo isagana lagu soo dajiyry 10-Saxiifadood 

Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo Nebiyo iyo Rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub gaara, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.

Nabi Muuse CS waxaa marki hore lagu soo dajiyey 10 Saxiifadood oo Tawraah iyo 1-Kitaab oo dambe ah, marka la isu geeyo Tawraadka Nabi Muuse CS waxaa ku soo dagay 10+1= 11 Kitaab .. Iyo Sabuur oo ay ku soo degtay Nabi Daa'uud CS

Kitaabka Taawraahda saxda ah, waxay ku qorneyd Afka Reer Bani Israaiil iyo Farta Hibrowga, wuxuuna Aasaas u yahay Diinta Yuhuuda .. Halka Injiilka Masiixiyada saxda ah u ku qornaa Afka Yuhuuda amase luqada Seryaaniya waxaa lagu soo dajiyey Nabi Ciise CS, taaso aasaas u ah diinta Masiixiga ..  Sabuur waxay ku soo degtay Nabi Daa'uud CS waxayna ku qorneyd Afka Yuhuuda

Quraanka Al-Furqaan, oo Waxyigiisu socday 23 Sano gudahood wuxuuna ahaa kii lagu khatimay Kutubta Samaawiga ah waxaa lagu soo dajiyey Khaatuma Anbiyada Maxamed SCW, wuxuuna ku qornaa Afka Carabiga .. kitaabkaas oo ka kooban 114 Suuradood waxuu ku kala soo dagay Maka Iyo Madiina .. Quraanka waa saldhiga iyo Xudunta diinta islaamka