Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qaybti 10-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Qisooyin Ka Mida Garsoorki U Qaaday Nabi Daa'uud CS

Monday - May 4, 2020



Maalin Maalmaha ka mida waxaa Nabi Daa'uud CS u soo galay laba nin oo is haysta, kadibna ninkii muduciga ahaa ayaa yiri; ninkan saaxibkay waxa uu dilay Sacaygii ee na kala xukun.

Nabi Daa’uud wuxuu dib u dhigay qadiyadii xukunka, habeenkii markuu gurigiisa tagay ayuu cibaadadiisii bilaabay, dabadeed Eebe ayaa u soo wax-yooday in Ninka muduciga ah ee ka cabanaya in saaxiibkii Sac ka dilay uu yahay danbiile ee isaga dil.

Subaxii markii golaha la yimid ayuu Nabi Daauud ku yiri muducigii, Eebahay waxaa uu ii wax-yooday in adiga lagu dilo ee maxaad samaysay .. Dadkii afkay gacanta saareen, sababtoo ah waxay filayeen in isaga loo xukumo Sacii laga dilay .. Ugu Dambeyn Ninki Mudiciga ahaa ayaa qirtay in sanadki hore si qarsoodi ah uu u dilay Ninka u dacweynaayo Aabhi .. kadib halkaas ayaa dacwadiisi ku fashalantay oo isagii la qisaasay

Malintii dambe Nabi Daa’uud CS waxaa u soo galay laba Nin, meel aanu ka filanay ayay ka soo baxeen. Guriga kadinkiisa maysoo marin ee saqafka ayey ka soo dageen, markaasuu Nabi Daa’uud aragagaxay, waxayse ku dhaheen ha cabsan .. Waxaan nahay walaalo is haysta oo is-dulmiyey, ee nagu xukun xaq naguna hanuuni jidka toosan .. Mid ka mida labadi ayaa yir: Kani waa walaalkay waxaanu leeyahay 99 ido ah aniguna mid kaliya, wuxuuna raba inaan siiyo Neefka kaliya aan haysto sey ugu noqoto 100 Neef hadalkana wuu igu adkeeyey .. Nabi Daa’uud waa degdegay asagoon ninkii kale warsan ayuu yiri: wuu ku dulmiyey sheegashadiisa, laakiin Nabigi markiiba waa u fahmay inu Gafay oo xukunka ku deg degdegay kadibna waa u toobad keenay

Maalin maalmaha ka mid ah Nabi Daa’uud oo dhex fadhiya dad uu kala xukumayey waxaa fadhigi yimi suleymaan, dadkii waxay ku doodayaan in Ari uu nin lahaa uu soo galay Beer soo go'i rabta kadibna xoolihii ay daaqii cuneen .. Nabi Daa’uud ayaa ku weydiiyey ninkii kale arintaasi ma jirtaa?,  Ninkii kale ayaa yiri haa way jirtaa .. Wuxu gudoomiyey Nabi Daa’uud in ninka Beerta iska lihi uu qaato xoolaha badalkii beertiisii baaba’day.

Suleymaan ayaa ka dalbaday aabihii inu u ogolaado inu sheego garsoor kale oo aan ahayn ka aabihii wuxu yiri "Aabo ninka Beerta iska lihi ha qaato xoolaha si uu ugu intifaaco inta Beerta loo beerayo, Ninka ariga lihina ha beero Beerta si hadhow nin walba wixiisa loogu soo celiyey oo kii beerta lahaa beertiisa loo siiyo markay gaarto halkii laga rabay ka Ariga haystana uu Arigii soo celiyo marka Beertii loo beero” .. Nabi Daa'uud  ayaa yiri: Waa xukun wanaagsan sulaymaanoow oo Eebaa Mahad iska leh allihii ikaa siiyey.

Daa’uud wuxu intaa kadib ku noolaa qalbi wanaagsan, ilaahay wuxu u hibeeyey sulaymaan oo uu ku manaystay garsoor iyo xukun wanaag badan reer bani israa’iil dhexdooda .. intii aanu geeriyoon Nabi Daa’uud wuxu u dardaarmay Suleymaan in uu ku dedaalo cibaadada ilaahay oo aanu ka habaabin wadada saxda ah .. Daa’uud waa geeriyooday waa ay u baroorteen reer banii israa’iil Boqorkoodii iyo Nabigoodii ka baxayba.