Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qaybti 11-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Qiisadi Nabi Aadam CS Oo Kooban

Tuesday - May 5, 2020



Nabi Ibraahim waxaa uu ku dhashay dhulka Baabil (Ciraaq), inkasta oo la soo wariyo inuu ku dhashay magaalada Dimishiq hadana waxa sax u dhow inuu ku noolaa dhulka Baabil ee Ciraaq .. Nabi ibraaim CS  waxa uu la dhashay Haaraan oo isna dhalay Nabi Luud sidaa awgeed Nabi Ibraahim iyo Nabi Luud waa isu Adeer.

Nabi Ibraahiim CS intuu joogay Ciraaq waxa rumeeyey oo kaliya xaaskiisii Saara iyo wiilkuu adeerka u yahay ee Nabi Luud CS, sidaa darteed Nabi Ibraahim iyo Saara waxay galeen Masar kadibna waxa loo sheegay in Boqorka ka taliya Masar uu yahay Nin dadka dulmiya, qafaasha haweenka kadibna ku xadgudba .. Ciidamadii boqor ayaa haleelay Nabi Ibraahim kadibna waxay waydiiyeen ruuxa dumarka ah ee la socota waxaanu ugu jawaabay waa walaashay, isagoo uga jeeday inay tahay walaashiisa diinta Islaamka .. Boqorkii ayaa loo warceliyay hase ahaatee waxa uu amray ciidankiisii inay Saara hor keenaan, kadibna waa loo keenay, markaas buu damcay inuu ku xadgudbo, markuu xageeda ku soo dhaqaaqey ayey Saara Eebe kaalmo waydiisatay, Eebana waa ka ajiibay oo ninkii boqorka ahaa waxa asiibay Faalig, boqorkiibaa waydiistay inay Eebaheed barido oo ka dulqaado xanuunka ku habsaday waxaanu u ballanqaaday inaanu ku xadgudbayn. Saara waxay bariday Eebe waana laga dulqaaday boqorkii dhibtii qabsatay hase ahaatee boqorkii waa ballan jabiyey oo haddana waxa uu isku dayey inuu ku xadgubo, muddo sadex jeer ah kolkay uu boqorku kusoo dhowaadaba boqorka waxa asiibay jirrada ah faaliga.

Markii saddexaad ayaa boqorkii u yeeray ciidankiisii oo ku yiri tani waa shaydaamad ee iga saara, kadibna waxa uu siiyey gabar Jaariyad boqorka u ahayd oo u shaqaynaysa .. Saara waxay u timid Nabi Ibraahim waxayna ku tiri Eebe ayaa iga badbaadiyey Ninkii daalimka ahaa, waxaana laysoo raaciyey gabadhaan Haajira.

Nabi Ibraahim iyo Xaaskiisii Saara waxay ku laabteen dhulka barakaysan ee Falastiin, kadibna Saara waxay aragtay in Nabi Ibraahim ay da’diisu waynaatay wax ubad ahna uusan lahayn markaasbay kula talisay inuu guursado Haajara waxa laga yaabaa in Eebe ubad kaa siiyo .. Nabi Ibraahim waxa uu guursaday Haajara waxayna u dhashay wiil yar waa Nabi Ismaaciil CS .. Saara markaas bey Maseyrta laakiin markiiba Eebe faray Nabi Ibraahim inuu u safro dhul lama degaan ah, kuna taal buuro dhexdood oon beer iyo baad toona lahayn.

Nabi Ibraahim waa uu soo kaxeeyey reerkiisii waxaanu dajiyey meshaas lama degaanka ah, cidna aanay ku noolayn sidoo kale Ceel biyona lahayn markaas buu intuu reerkisii dhigay ayuu ka jeestay. Haajara ayaa ka daba oroday ayadoo waydiinaysa Xagaad nagaga takaysaa, ma cidladan aan cidna daganayn, Nabi Ibraahim wax jawaab ah muusan siinin, markaasbay tiri ma Eebe ayaa sidaas ku amray, Nabi Ibraahim waxa ugug jawaabay Eebahay ayaa sidaas i faray kadibna Haajara  waxay tiri haddaba Eebe nama dayacayo .. Dhulkan lama degaanka ahi waa Makka oo waqtigaa waxay ahayd dhul qallafsan oo beerana ka bixin, cidna kunoolayn .. Nabi Ibraahim oo saaran buur dusheed ayaa Eebe ka baryay ducada ku soo aroorta Quraanka kariimka ah oo sidaan u dhugan:

Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (waadi) tog aan beer lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow si ay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda, kuna Arzaaq Miro waxay mudanyihiin inay shukriyaan.