Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qaybti 13-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Waa Qiso Ka Hadleysa Ereyga " In Shaa' Allaahu"

Thursday - May 7, 2020



Culimadi Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in Nabigu CSW yiri: Suleymaan Ibnu Daawuud wuxuu yiri: Wallee caawa waxaan ku dhaartay inaan isu maro Todobaatan Xaas oo mid waliba qaaddo wiil fardooley ah oo jidka ilaahay ku jihaada .. Saaxiibki oo la sheego inu ahaa Malak ayaa markaas ku yiri: Salymaanow In Shaa’Allaahu dheh, laakiin Nabi Suleymaan oraahdaas ma oran oo si un bey uga hoos baxday amase ku hilmaamay

Nabi Suleymaan Habeenki ayuu mid-mid isu wada maray wixii xaaskiisa ahaa, laakiin nasiib daro ma jirin mid Cii tiri aan ka ahayen Hal Xaas oo qof barkiis dhashay mooye .. Nabi Maxamed CSW ayaa laga wariyey: Haddi u Nabi Suleymaan oran-lahaa " In Shaa' Alaah" ma Dambaabeen Oo Dantiisa waa gaari-lahaa oo Awlaad Jihaada ayuu dhali-lahaa .. Riwaayadaha xadiiska qaar ayaa sheegay in Xaasaskaas ay ahaayeen tiro Sagaashan, qaarna Sagaal iyo Sagaashan, qaar kalena Boqol .. Musllimiinta intey Jihaadka galaan ayey haddana u halgami jireen sidii ay u dhali-lahaayeen Jiilkii Mustaqbalka Jihaadka sii wadi lahaa 

Nabi Suleymaan wuxuu ka mid ahaa boqorada Mujaahidiinta ah, Allena siiyay boqortooyo weyn, oo loo sakhiray Insiga, Jinniga, Shimbiraha iyo waliba Dabaysha .. Sida uu u jeclaa jihaadka waxaa ku tusaysa sida uu fardooleyda xoogga u saari jiray, sida uu ugu dadaali jiray ciidankiisa, looguna soo bandhigi jiray ilaa uu gaaray heer uu tabo hal shimbir (Hud-hud) oo ka maqnaaday, taaso ku baxsatay markay tiri:Waxaan soo arkay boqortooyo ay Gabari madax u tahay oo uu wax kastaba ilaahay siiyay hase ahaatee u sujuudaya Cadceeda.