Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Qaybti 23-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Waa Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse CS Oo Ah Mid Lagu Cibarad Qaato

Monday - May 18, 2020



Wakhtigii Nabi muuse (CS) waxaa jiray qoys faqiir oo ku noolaa nolol adag oo ciriiriya .. Sannado badan ayay sidaa ahaayeen, Waxay nolosha la halgamaan-ba oo ay samir iyo adkaysi ku noolaadaanba .. Habeen ka mid ah habeenada ayaa ninkii iyo xaaskiisa oo furaash-koodii fadhiya waxay waydiisay odaygeedii "Miyaanu Muuse ahayn Nabigii iyo Kii Allah sida tooska ula hadla" wuxuu ugu jawaabay "haa wuu yahay" waxay tiri: Maxaad ugu tagi wayday oo aad arinkeena ugu sheegi wayday ood uga dalbi wayday inuu Alle inoola hadlo oo uu inoo waydiiyo inuu Taajiriin inaga dhigo si aynu inta nolosha inooga dhiman ugu noolaano farxad, baraare iyo nolol qurux badan .. Wuxuu yiri: Waa yahay Marwo waan u tagayaa waanan u soo bandhigayaa arinkeena”

kadib subaxdii ayuu u tagay Nabi Muuse (CS) waxaanu uga waramay xaalkooda nololleed waxaanu ka soo dalbaday inuu Alle ula hadlo oo inuu Tujaar ka dhigo .. Kadib Nabi Muuse (CS) waa uu u tagay si uu ula hadlo Alle oo ugu bandhigo xaalka qoyskan faqiirka ah Alle ayaa ah mid cid kasta Maqla arkana’e oo aanu shayna ka qarsoomi karine.

Kadib Alle sareeye wuxuu ku yiri Nabi Muuse (CS) “ U sheeg Inaan iyaga Tujaar ka dhigaayo fadligeyga dartiis, laakiin waa hal Sano oo kaliya, Sanad kadibna ayey sidoodi ku soo noqondoonaan
” kadib Nabi Muse waa uu u tagay qoyskii waana u bushaarayeey in Alle SW ka aqbalay Ducadoodii laakiin ay Sannad kaliya Tujaar ahaanayaan.

Kadib ninkii iyo xaaskiisa waxay farxeen farxad aad u wayn kadibna Alle SW waxuu badalay noloshoodii hore waxaanu ka Arsaaqay meel aanay ogayn waxaanay mudo kadib noqdeen Tujaar .. Noloshoodii waa ay is badashay waxaanay noqdeen qaar farxad iyo damaashaad ku nool. Kadib Haweenaydii caqliga wanaag-sanayd ayaa ku tiri odaygeedii: Gacaliye sow ma ogid inaan noloshan ku noolaanayno Sannad kaliya kadibna aan Fuqaro ku noqonayno ..  Ninkii wuxuu yiri: haa waan ogahay kadib ayay gabadhii baariga ahayd waxay tiri: hadaba hantidan Alle ina siiyay aynu kaga faa’iidaysano inaynu caawino bulshada deegaan-keena ku nool si markaynu Fuqaro noqono sannad kadib ay iyaguna inoo caawiyaan oo ay u gudaan abaalka aynu u galnay inaguna aynaan u tuugsan iyaga” ninkii wuxuu yiri “waad asiibtay Gacaliso”

kadib waxay bilaabeen inay dhisaan Guri ka ag dhaw wado ay dadka Musaafiriintii maraan waxaana ay albaabka guriga u jeediyeen xaga wadada, waxaana tuuladooda ku yaalay todoba wado oo laga soo galo, iyaguna waxay sameeyeen todoba albaab oo laga soo galo guriga. Ninka iyo xaaskiisa waxa ay guriga ku samayn jireen cunto habeen iyo maalinba si dadka musaafiriinta ahi uga cunteeyeen,

Waxay sidaa ahaataba wakhtigu is guraba iyadoo Nabi Muusena CS uu dusha kala socdo xaalka qoyskan ayaa waxa dhamaaday sannadkii Alle SW ugu tala galay inuu reerkani Tujaar ahaado .. Qoyskiina, waxay ilaabeen Sanadkii Alle ugu xadeeyay maadaama ay iyagu (Ninka iyo Gabadhu) ku mashquuleen cunta karinta iyo siinta dadka martida ah ee tuuladani yimaada waxaan soo galay sanadkii labaad iyaguna wali sidii ayay Tujaar u yihiin oo u caawiyaan dadka Socotada ah. 

Nabi Muuse CS ayaa yaabay waaxnu la hadlay Alle waxaanu ku yiri: Rabigayoow waxaad ugu tala-gasahay qoyskan inay Sannad kaliya Tujaar ahaadaan imikana sannadkii labaad ayay wali Tujaar yihiin waa maxay sababtu?”

Allah SW ayaa ugu jawaabay “MUUSOW WAXAAN U FURAY ALBAAB KA MIDA ALBAABADA RISIQAYGA IYAGUNA WAXAY FUREEN TODOBA ALBAAB OO KU ARSAAQAAYAAN ADOOMAHAYGA MUUSOW WAAN KA XISHOODAY ANIGUNA INAAN DIB UGU CELIYO NOLOSHOODII FAQRIGA EE ADKAYD”

Alle ayaa xuma oo dhan ka nasahan sadaqadu waa shay qaaliya oo laga dheefo faa’iidooyin badan Aduunyada iyo Aakhiradaba, Sadaqadu maalka waxba kama nusqaamiso ee waabay baraykaasaaba. Walaal aynu wax is tarno oo caawino keena dhibaataysan si dhamaanteenba Alle inoogu naxariisto oo Raxmadiisa iyo Naxariistiisa balaaran inoogu shubo.