Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Casharki 24-Aad Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Hore Ee Islaamka .. Waa Qisadi Luqmaan Al- Xakiim

Thursday - May 21, 2020


Luqmaan waxa uu ahaa Nin faqiira, oo aan xoolo badan lahayn. Waxaanu ku noolaa magaalo la yiraah Nuba, kuna taala koonfurta Wadanka Masar. Waxaanu ahaa Nin muuqaalkiisu yahay mid liita. Laakiin Ilaahay waxa uu siiyey Xikmad iyo Aqoon aad u sarreysa. 

Culumadu waxay isku khilaafeen in uu ahaa Nabi iyo in uu ahaa Adoon, Wali Eebe kaligii Caabuda. Waxayna Culumado u badanyihiin in Luqmaan ahaa Adoon Wanaagsan. Waxaana lagu Naanaysaa Luqmaan Al-Xakiim.

Luqmaan waynidiisa iyo Aqoonta uu Eebe siiyey darted ayaa loogu Magac daray Suurad dhan, waana Suurada 31aad “Luqmaan .. Luqmaan waxa sharaf iyo karaamo ugu filan in Eebe Xikmadii uu siiyey uu inooga dhigay Tusaale Nool iyo Ruux ku dayasho mudan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sayidkiisii ka dalbaday Luqmaan in uu Gawraco Neef Xoola, kadibna waxa uu waydiiyey waa maxay labada Wasladood ee ugu wanaagsan ee ku jira Neefka, Luqmaan waxa uu usoo saaray Carrabkii iyo Wadnihii Neefka. Muddo kadib ayuu Maamulihiisa ka codsaday Luqmaan inuu Gawraco Lax kale oo kasoo saaro Labada wasladood ee ugu Xun. Luqmaan waxa uu soo jaray Carrabkii iyo Wadnihii, kadibna hor keenay Maamulihiisii. Mudanihiisii waxa uu waydiiye, waxaan kaa dalbaday Labada Wasladoo ee ugu fiican waxaanad ii keenta Carrabkii iyo Wadnihii, sidoo kalena waxaan kaa dalbaday labada wasladood ee ugu xun waxaanad ii keentay Carrabka iyo Wadnaha ee waa sidee Arrinku?

Luqmaan waxa uu ku yiri waa labada Wasladood ee ugu fiican, waa haddii ay wanaag-sanaadaan, waana kuwo ugu xun hadday Xumaadaan .. Luqmaan hadalkiisu muu badnayn, marka uu hadlana wax Khayr iyo Xikmad ku dheehan-tahay buu ku hadli-jirey. Waxa lawaydiiyey Luqmaan sababta xikmada iyo Nicmadan uu ku helay, waxaanu ku jawaabay; “Amusnaanta iyo hadlkayga oo yar, Indhahyga oo daboolan iyo ka tagida waxaann faa’ido lahayn.”
Luqmaan waxa uu caan ku yahay Xikmad iyo Aqoon, waxaan tusaale usoo qaadanaynaa, dardaarankii uu Eebe Qur’aanka ku xusay ee uu siiyey wiikiisa.

Luqmaan isaga oo u dardaarmaya wiilkiisa waxa uu faray inuu Allah kaligii caabudo, oo aanu cid kale ku lammaanayn. Kana dheeraado shirkiga iyo in cid kale Eebe lala wadaajiyo.

Arrintan waa qodobka ugu muhiimsan, ee qofka muslimka ah looga baahan yahay inuu ku baraarugnaado, sababtoo ah haddii qofka muslimka ahi uu galo danbi ama macsi waxa dhici karta in ilaahay u danbi dhaafo maalinta qayaamaha, laakiin in Eebe cid kale lala wadaajiyo waxay keenaysaa in Ruuxaas uu galo cadaabta kuna waaro. Ilaahayna danbi dhammantii wuu dhaafaa oo cfiyaa marka laga reebo Shirkiga. Ilaahay baan ka magan galnay.
Qodobka labaad ee dardaaranaka Luqmaan, waxa uu faray wiilkiisa in uu Oogo Salaada. Ma aha oo kaliya inuu Tukado, ee waa inaad oogtaa salaada, sidii uu Nabigeenu (NNK) uu u tukan jiray.
Qodobka kale ee muhiimka ah uu Luqmaan baray wiilkiisa waxa weeya, in Allah Kor ahaaye uu waxkasta ogyahay ha noqoto wax yar ama unuga ugu yar noolaha ama Noolaha ugu wayn makhluuqaadka Eebe.

Maalin maalmaha kamida ayaa wililkii Luqmaan waxa uu waydiiyey Aabihii, Suaal Layaab leh, waxa uu yiri: Aabe, Haddii aan tuuro dhagax yar oo uu haystay, kuna tuuro badda miyuu Ilaahay ogyahay Arrintan. Ku darsoo Luqmaan iyo wiilkiisa waxay saarnayeen doon, waan habeen mugdi ah. Haddaba Luqmaan muxuu ugu Jawaabay, iminka ayaad garanaysaan sababta uu Allah ugu xusay kitaabkiisa.
Luqmaan waxa uu ku yiri wiilkiisii, wiilkayoow hadday Xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale oo dhagax dhexdii ku sugnaato, ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebe, Eebena waa Oge Xeeldheer .. Haddii aad badda dhexdeeda, ama buuraha dhexdooda ay ku jirto walaxda ugu yar ee jiri karta, Eebe waa ogyahay, waxna kama qarsoona.