Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Galeyrow Ma Duusha Dad Yaqaan Ma Tahay Meeshi Lagu Diro Ma Gaarta Kala Qaad Dibnaha .. Farmajo Iyo Khyre Oo Ka Qaybgalaya Wada Hadalka Jabuuti Ka Furmaaya

Saturday - June 13, 2020



Waxaa lagu wadaa in illa berito ay dib u bilowdaan wada-hadalladii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland, kuwaas oo hakad ku jiray afartii sano ee u dambeysay .. Wada-hadallada ayaa ka dhacaya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay isugu tagayaan wafuud ka kala socoto labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka tirsan dowladda federaalka ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Jabuuti, waxaana socdaalkaasi Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wasiirka armha gudaha Sabriye sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa Somaliland shirkaasi uga qeyb-gali doono wafdi culus oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Haddaba yaa garwadeen ka ah isu-keenida iyo wada-hadallada labadada dhinac?

Inkastoo ay Jabuuti isugu tegayaan, islamarkaana ay marti-qaatay madaxda Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hadane waxaa jira gacma kale oo door weyn ku leh wada-hadallada labada dhinac oo muddo fog laga soo dhaqeynayey.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa wada-hadalladaasi dib loo bilaabayo markale gadaal ka riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Itoobiya iyo Jabuuti.

Haddii uu qabsoomo kulankan ayaa wuxuu noqonayaa is-aragii labaad ee Farmaajo iyo Muuuse Biixi, kuwaas oo horey ugu kulmay magaalada Addis Ababa.

Arrimahaan oo idil ayaa ku soo beegmaya, xilli madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo furitaankii kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal uu ka sheegay inuu soo dhaweynayo in dib loo bilaabo wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.