Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Villa Somaliya Inta Luflufka Iyo Hambada Ha Shaqeyso .. Mooshin Hoosta Ka Qalalan La Soo Dhoodhoobay Dhalanteed Lagu Sawiray Oo La Doonaayo In Lagu Rido Geesiga Senator Cabdi Xaashi

Tuesday - June 16, 2020



Magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku day abaabulka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo gadaal ay ka soo shaqleyso Villa Somalia oo daaca qurun looga taag heleyn

Xog la helay ayaa sheegeysa in xalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu kulamo la qaatay Senatoro daaca qurun iyo Lufluf looga taag waayey ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo wada abaabulka mooshin ka dhan ah geesiga wdaniga ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah guddoomiyaha Aqalka Sare.

Sida la xusay wax-yaabaha kooxda Luflufka ay isku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in xubnaha ka soo horjeeda Cabdi Xaashi aysan marna kulamada Cabdi Xaashi iclaamiyo ee Aqalka Sare ilaa amar dambe iyo in la sameeyo kulamo kale oo lagu diyaariyo mooshin kaas oo si deg deg ah la horgeyn doono Fadhiga Aqalka Sare.

Villa Somalia ayaa ka carrootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka, inkasta oo madaxtooyada ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka.