Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Farmaajo Waa Lax Dhukani Abaar Moog .. Mucaaradkii Oo U Habar Wacday Milatarigi Beeleysnaa Si Ay U Xiraan Albaabada Villa Somaliya

Sunday - June 21, 2020



Ciidamo beeleysan kana irsan Milatariga Soomaaliya oo ka kala yimid dhinaca Afgoye iyo Balcad oo sida ay sheegeen ka caraysan mushaar la’aan mudo soo wajahaday ayaa maanta xiray wadada soo gasha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka dahsoon, waxaana war xuuraan u xusaya in gadoodkaas ay ka dambeyaan Mucaaradaka Farmaajo, kuwaaso doonaaya iney dhoolatus muujiyaan 

Ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka ee ay wateen ku jaray laamiga, waxayna joojiyeen in wax gaadiid ah wadadaasi maraan, ciidamadan ayaana sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo dheer haysatay.

Qaar kamid ah ciidamada wadada xiray ayaa sheegay in ay ka soo baxeen aaga dagaalka ee Shabeelooyinka, waxayna tilmaameen in aysan helin xaquuqdii ay dowlada ku lahaayeen.

Ciidamadan ayaa ugu baaqay madaxda dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xaquuqda ka maqan la siiyo ama laga fasaxo shaqada ciidanka si ay u noqdaan shacab.