Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa Haddi Gaalada Kiristaanka Wax Ku Qaadanayaan .. Qisadi Baadarigi Xaqiiqada Ka Ogaaday Kitaabka Injiilka Oo Islamay

Tuesday - June 23, 2020




Cabdilaahi Al-mayorqi wuxuu ahaa nin ka soo jeeda dalka Spain, gaar ahaana magaalada "Mayorqa" qarnigii 9-aad ee hijriyada. Cabdilaahi wuxuu ku dhashay magaalada "Mayorqa", oo ahayd xilligaas magaalo wayn oo ku taala xeeb iyo laba buurood dhexdood ... Cabdilaahi aabihii wuxuu ahaa nin kiristaana, mana-uusan lahayn caruur kale isaga mooyee, kadibna wuxuu ku daray wiilkiisii kaniisada markuu gaaray lix sano jir, kadibna wuxuu laba sanadood ku bartay Injiilka, iyo lix sanadood oo uu ku bartay Falasafada iyo wixii la hal maala.

Cabdilaahi oo sheekeynaya wuxuu yiri : Magaaladaas waan ka safray oo waxaan tagay magaalo la dhaho Laarda (oo boqol iyo kilo mitir ka xigta galbeedka magaalada Barshilona), waxaanan halkaas joogay mudo lix sanadood ah oo aan ku baranayey cilmiga Dabiicada iyo Xidigaha.  Kadibna waxaan u safray magaalada Balooniya (sadex boqol oo kilomitir ayey ka fogtahay Madrid), waanan dagay magaaladaas.  Waxa magaalada kuyaal kaniisad wayn oo uu joogo oday wayn oo baadariya, oo Kiristaanku ay aad u qiimeeyaan, wuxuuna xilligiisii u ahaa Kiristaanka ninka ugu cilmiga badan dhamaan Kiristaanka ku nool Aduunka. Waxaana meelkasta uga iman jiray su’aalo la waydiinaya iyo hadyado waaweyn oo aan xadi lahayn, waxayna dadku xiisaynayeen inay ka barakaystaan odaygaas iyo inuu ka aqbalo hadyadaha ay siinayaan.

Dabadeedna waan ku dhowaaday odaygaas, waxaana ku dul akhriyey tiirarka diinta Kiristaanka, waxaanan la joogay mudo illamaa aan kamid noqday dadka ugu dhow ee uu ku kalsoonyahay, wuxuuna ii dhiibay furayaasha khasnadihiisa iyo gurigiisaba, marka laga reebo qol kaliya oo uu gali jiray isagu kaligii, lamana garanayo waxa qolkaas ku jiray.

Odaygaas waxaan la joogay mudo gaareysa toban sanadood, anigoo cilmi ka baranayey sidoo kalena u adeegayey, kadibna maalin ayuu odaygii xanuustay, wuxuuna tagi kari-waayey shirkii baadariyada ee ay isku waydiin jireen su’aalaha, markaasuu aniga igu yiri: Adigu aad shirkaas oo buuxi booskayga.

Markaan goobtii aan tagay ayaan wada kulnay baadariyadii Kiristaanka, waxaana maalintaas laga dooday eray uu yiri Ciise Masiix oo ahaa: “Waxa aniga iga danbeeya nabi magiciisa la yiraahdo "Baaraqliid” kadibna waxay is waydiiyaan waa kuma nabigaas ka danbeynaya Ciise? Baadari kastaba jawaab ayuu bixiyey, mid wuxuu dhahaa waa nabi Zakariye, midna wuxuu dhahaa waa Yaxye, mid walba nabi ayuu sheegay.

Markaan soo laabtay ayuu odaygii i waydiiyey maxaa maanta laga doodayey? Waxaan u sheegay in magaca "Baaraqliid" la isku qabsaday, markaasuu odaygii yiri: Jawaabaha ay bixiyeen oo dhan way qaldan-yihiin, xaqiiqduna sidaas way ka duwantahay, tafsiirka magacaasna waxa yaqaana oo kaliya culumada ku raasukhday cilmiga, idinkuna heerkaas wali maydaan gaarin.

Cabdilaahi wuxuu yiri: Odaygi ayaan lugihiisa qabsaday anigoo oynaya, oo leh: Mudanahay-goow, waxaana kaaga imid magaalo aad u fog, waxaanan kuu shaqaynayey toban sanadood, ee cilmiga iga dhiman ii dhamaystir, markaasuu odaygii ooyey oo wuxuuna yiri: Wiilkaygoow, way igu wayn-tahay inaad ii adeejaysay, inaad ogaato tafsiirka magacaasina waa faa’ido wayn balse waxaan kaaga baqayaa markaad ogaato in Kiristaanku ay ku dilaan. Cabdilaahi wuxuu yiri: Waxaan  iri xaqa Injiilka ayaan ku dhaartee kuma hadlayo wax aanad raali ka ahayn.

Odaygii wuxuu yiri: Wiilkaygoow, markaad ii timid waxaan ku waydiiyey magaaladii aad ka timid miyey muslimiinta isu dhowaayeen! Waxaanad ogaataa wiilkaygiiyow in magaca "Baaraqliid" uu yahay magac kamid ah magacyada nabigooda Muxamed (scw), isagaana lagu soo dajiyey kitaabkii afaraad ee nabi Daniyeel sheegayey, diintiisuna waa diin cad oo waa diinta Injiilku ka waramayey.

Waxaan iri: Oo sidee loo gaarayaa markaas? Wuxuu yiri: Waa inaad gasho diinta Islaamka, waxaanan ku iri: oo ma badbaadayaa cida gasha diintaas, wuxuu yiri: Haa, aduun iyo aakhiraba wuu badbaadayaa.

Waxaan ku iri: Mudanahaygoow, maxaa kuu diiday inaad gasho diinta Islaamka hadaad ogaatay inay tahay diin xaq ah, wuxuu ku jawaabay odagii: Wiilkaygoow, warkan waxaan ogaaday anigoo cimrigaygii waynaaday, jirkaygiina uu tabardarnaaday, mana noqonayso cudurdaar iyo xujo Ilaahay agtiisee ee hadaan da’daada oo kale ahaan lahaa waan iskaga tagi lahaa wax kasta, waxaanan qaadan lahaa diinta Islaamka, balse Aduunyo jacaylka ayaa ah furaha danbi kastaba, waxaad aragtaa adigu qiimaha aan ku leeyahay diintan Kiristaanka, hadii ay wax Islaamnimo ahiga muuqatana way idilayaan Kiristaanku, hadaan Muslimiinta u tagana waxaya i dhahayaan: waa oday wayn oo naftiisa badbaadiyey, ee hanoogu mano sheeganin islaamnimadaada, waxaanan dhex joogi lahaa anigoo sagaashan jira oo aan luuqadooda fahmaynin, waxaanan u dhiman lahaa gaajo.

Waxaan ku iri: Mudanahaygoow, ma igula talin lahayd inaan aado dhulka Muslimiinta, wuxuu yiri: hadaad caqli leedahay oo aad rabto inaad badbaado Aduun iyo Aakhirab waxaad tagtaa dhulka Islaamka, warkana cidna ha u sheegin, xitaa hadaad sheegtidina waan ku dafirayaa, warkaygaana laga hormarinayaa warkaaga.

Cabdilaahi wuxuu yiri: Waxaan kasoo safray magaalada Mayoorqa, waxaana dooni ku tagay magaalada Tuunis ee dalka Tunis, kadibna waxa maqlay imaanshahayga Kiristaankii joogaya magaaladaas, wayna i soo dhoweeyeen, markaan la joogo mudo lix bilooda ayaan waydiiyey: Ma jiraa cid taqaana luuqadayda oo ka agdhow suldaanka muslimiinta ee magaalada, xilligaana waxaa suldaan ahaa Abu Cabbaas Axmed, waxayna igu yiraahdeen: waxa jira nin yaqaana luuqadaada oo dhakhtarna u ah suldaanka, wuxuu yiri Cabdilaahi : aadbaan ugu farxay markaan maqlay ninkaas warkiisa, waanan u tagay waxaanan u sheegay inaan rabo inaan islaamo.

Wuxuu yiri Cabdilaahi: Ninkii dhakhtarka ahaa oo loo yaqaano Yuusuf Aldabiib aad buu u farxay inaan gacantiisa ku islaamayo, wuxuuna ii geeyey Suldaanki Abu-cabbaas, isaguna wuu isoo dhoweeyey, waanu ku farxay islaam-nimadayada. Balse intaanan islaamin ka hor ayaan ku iri: Mudane waxaad u yeertaa kiristaanka magaaladan jooga oo bal aniga arrinkayga waydiiya kadibna waan islaamayaa, wuxuu igu yiri: waxaad yeeshay sidii saxaabigii Cabdilaahi ibnu Salaam ee intaanu islaamin u yeeray Yahuuda.

Cabdilaahi wuxuu yiri: Kiristaankii ayaa loo yeeray waxaana la waydiiyey qiimaha uu Cabdilaahi leeyahay, waxay dhaheen: waa nin kamid ah culumadayada waaweyn, oo aanu ku kalsoonahay. Wuxuu Suldaankii yiri: Ka warrama bal haduu islaamo? waxay dhaheen: ma dhici karto, isaga kama suurtoobayso! Wuxuu suldaankii u yeeray Cabdilaahi, wuxuuna ku dhawaaqay shahaadadii, markaasay dhaheen Kiristaankii: Waxa ku kallifay waa guur jacayl, sababtoo baadariyadu ma guursadaan.

Cabdilaahi wuxuu yiri: Suldaankii ayaa isoo dhoweeyey, wuxuuna ii dhisay gabar uu dhalay Xaaji Mohamed Assafaar, wuxuuna i siiyey boqol diinaar oo dahab oo aan ku aqal galay, waxaana gabadhii ii dhashay wiil oo aan u bixiyey Muxamed.

Cabdilaahi Al-mayurqii wuxuu ku islaamay magaca "Baaraqliid" oo ah kalimad afka Giriiga ah oo macnaheedu tahay kan mahadsan, kuna noqonaysa afka Carabida Axmed, waxayna kalimadaasi illaa maanta ku taala Baybaylka, waa hadii ay gaalada Kiristaanku wax ku qaadanayaane.