Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Calaf Weeye Guurkuye Ee Ha Ku Daalin Caashaqa .. Haweyney Raiisal Wasaare Ah Oo Arooskeeda U Baajisay Ka Qayb Galka Shir Awgiis

Saturday - June 27, 2020




Ra’isul Wasaaraha dalka  Denmark, Mette Frederiksen ayaa mar kale dib u dhigtay xaflada arooskeeda, waxa ayna markan shaacisay in sababta arooskeeda dib uga dhacay tahay ka qeyb galka shir muhiim ah owgiis.
Mette Frederiksen, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooka ku sheegtay in ay ka qeyb galeyso shir muhiim ah ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Yurub, shirkan ayaana looga hadlayaa saameynta uu yeeshay Covid-19 iyo arimo kale.

Arooska haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ee Bo Tengberg ayaa qorshuhu ahaa in uu dhaco 18-ka bisha July, hasa ahaatee shirka ay yeelanayaan Madaxda Midowga Yurub ayaa dhacaya 17-ka ilaa 18-ka july.

 Ra’isul Wasaare Mette Frederiksen, ayaa sheegtay in ay ku qasban tahay ilaalinta danaha dalkeeda, waxa ayna sheegtay in arooskooda dib u dhacay sababo la xiriira shirka dhacaya, waxa ayna xustay in ninka ay guursaneyso uu yahay mid dulqaad badan.

“Waxaan aad u rajeynayaa inaan guursado ninkan cajiibka ah. Laakiin sida caadiga ahba, taasi ma aha inay noqoto wax iska sahlan, shirka golahaha wuxuu dhacayaa Sabtida bisha July ee aan ku ballansaneyn xafladda arooska.” ayey tiri Mette.

Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ayaa qorshuhu ahaa in markii ugu horeesay arooskooda dhaco sanadkii hore, hasa ahaatee arooska ayaa u baaqday doorasho dalkaasi ka dhaceysay owgeed.