Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Allahayow Bad-baadadaada Ha Ku Xirin Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Ma Naxe Abuu-Jahal Oo Dharbaaxo Uga Soo Gooyay Fadumo Rasuul CSW Iyado Inan Yar Ah .. Maxaase Ka Qabsaday

Monday - June 29, 2020




Maalin Maalmaha Ka Mida ayaa Abuu-Jahal Yimid Gurigi u deganaa Rasuulka CSW .. Albaabka ayuu garaacay waxa ka furtay faadumo Maxamed CSW oo markaas gabar yar ahayed .. Abu-Jahal waxa uu ku yiri Gabr-yahay Aabahaa mee waxay tiri: Ma joogo markaas baa Abuu-Jahal dhirbaaxo ayuu tii yarayd ku dhuftay wuuna iska-ga tagay.

Dabadeed guriga hortiisa waxa soo maray Abu-sufiyaan oo markaa ahaa Gaal Quraysh ahaana Raga waa wayn ee beesha Maka, wuxuu arkay faadumo maxamed CSW oo Ooyeysa waxaa uu ku yiri Adeer yaa ku dilay waxay ku tiri Abu-Jahal ..  Abu-sufiyaan wuu xanaaqay tii yaraydna xagashuu ku suu qaaday waxa aanu suuqa kaga daba tagay Abu-Jahal dabadeed Abu-Jahal ayuu u qayliyay markii uu yimid Abu-Jahal ayuu ku yiri faadumo ka gooso .. Faadumo way ka goosatay, Dabadeed asxaabtii ayaa Rasuulka CSW ku tiri: Maanta Abu-sufiyaan ayaa ku gargaaray Rasuulku .. Rasuulki intuu gacmaha kor u taagay ayuu yiri: ILaahayaw Abu-sufiyaan Wanaagiisaa U Xasuusnaw .. Ereygaas Rasuulku yiri waxay ka mid ahayd sababihii uu u soo islaamay Abu-sufiyaan.