Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Asalaamu Caleyk Yaa Amiir Al-Muminiin .. Aan Maalno Xikmadi Amiir Mu'miniin Cali Ibn Abi Daalib RC

Tuesday - July 14, 2020



Cali Bin Abii Daalib RC oo ahaa Amiir Mu'minin xikmado badan ayaa laga wariyey inu yiri: Adduunyadu waa bilowgeedu waa daal .. Dhamaad-keeduna waa ka tegid .. Xalaasheeduna waa xisaab .. Xaaraan-teeduna waa ciqaab .. Qofkii hodan ku noqda wuu ku fidnoobaa .. Qofkii fiiriyana way ka jeesataa .. Qofkii ka jeestana way fiirisaa.
----------------------------------------------------
Zaynab oo ahayd gabar uu dhalay Cali Ibn Abi Dalib RC, ayaa maalin waxay waydiisay Aabeheed inuu jecel yahay .. Kadib ayuu u sheegay inuu aad u jecel yahay. Markaas ayay haddana waydiisay inuu Ilaahay SW jecel yahay .. Cali RC ayaa u sheegay gabadhiisa inuu aad u jecel yahay ilaahay SW.

Gabadha oo markaa aad u yarayd ayaa waydiisay Aabeheed sida uu u jecel yahay iyada iyo Ilaahay SW ..  Cali RC oo muusasha ay ka muuqato ayaa ku jawaabay: “Aabe, waan ku jeclahay maxaa yeelay Ilaahay SW ayaa amray inuu aabaha jeclaado caruurtiisa, Marka hadaan ku jeclaado waxaan jeclahay Ilaahay SW .. jacaylka aad u hayso Ubadkaada waa mid ka tarjumayo jacaylka aad u hayso ilaahay SW.

Nabiga SCW waxaa laga wariyey inu yiri: Yaa Cali waxa ku dili-doona kan Dadka ugu xun ugu nasiib iyo ayaan daran oo Wajigaaga iyo Gar-kaagaba ay dhiiga qarin doonaan, isla sidii uu Rasuulka CSW uu sheegay ayuuna ku Shahiiday, taasina waxay ka mid ahayd cadeynta Nabi-nimada.

 Dilkana Wuxuu U Dhacay sidatan .. Cali Alaha ka raali noqdee, markuu saalaatu subax Masjidka galay wuxuu arkay Cabdiraxmaan ibn Muljim oo u jiifa Calooshiisa,wuxuuna hoosta ku qarsaday seefta .. Cali oo agtiisa maraayey ayaa ku yiri Kac Kac waa la Adimay oo Jiifka aad sidaan u jiiftana Allaah wuu ka caroonayaa, salaadii waad ka seexanayasaa jiifkaaguna waa khalad, markaasuu Cabdirixamaan ku soo booday Cali ibn Abi Daalib oo uu ku dhuftay Seeftii Madaxiisa .. markiiba dhiigii ayaa wajigiiisa iyo garkiisa qariyay, halkaasuuna ku Shahiiday.