Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Damaca Qaloocan .. Dameerki Magaciisa Nacay

Wednesday - July 15, 2020




Waxa la yiri Dameer aya nacay magacisa,oo karhay in loogu yeero Dameer-Dameer .. Maalin dambe Dameerki waa u fakaray oo wuxuu qorta soo surtay boor ay ku qoran-tahay magaca Kaluun, oo dabadeed isagoo baruruftiisa galay ayuu kayntii la dhex yimi .. Xoolihii kaynta jogay oo aqoonsaday waxay ugu yeereen Dameer, waryaa Dameer

Dameerki oo xanaaqsan ayaa yiri nacala idin ku yaal, war ma indhaha la' dihiin aniga Dameer layma yirahdo ee kaluun baan ahay, waxay yirahdeen waan aragna waxa qoorta ku suran, lakiin weligaa waxan kuu naqiin Dameer, magac kale kuguma yeeri-karno .. wuu ka xanaqay, oo isagoo himad jab la haaraamaya waxa lagu sameeyey wuxuu u guuray kayn kale iyo aag kale.

Waxuu la kulmay Daanyeer, daanyeerkii ayaa yiri waryaa kaluun xagaad ka timi. Dameerkii intuu eh-eh qosol iyo farx is la dhacay oo yiri waxan ka soo caroday kayntii aan ku noola sababto ah aniga oo qorta surtay boor, oo magacaygu yahay kaluun,ayaay iigu yereen Dameer- Dameer.kuwaasu waa nooc maan-gaaba xushmad lahayn.

Daanyeerkii waxuu ku yiri: kuwaa kugu yeeray Dameer  khalad ma leh. kalunka waxay ku ogayeen isago ku nool Badda,waxa fajaciso ku noqday kaluunkan Biriga ordaya marka waxan kugula talin lahaa kaluun yohow in aad badda ku noolaatid.

Dameerkii ilayn waa dameere muu garan khiyamadan daanyeerkan haligaya. intuu eh eh qoslay oo farxay ayuu jihadii badda isku maqiiqay ilayn waxuu nacay magaca Dameer. sidu u ordayay ayuu Baddii jaf yiri, Dameerkii halkaa ayuu ku degay oo bartiisa la arki-waayey